WARMAALNEWS.COM KALA SOCO WARAR XAQIIQ AH IYO KUWII UGU DAMBEEYAY EE CAALAMKA KA DHACA
Wararka
Dhugo dhaqankaaga
Kobci aqoontaada

War Deg Deg Ah: Guddoomiyihii Urur-diimeedka Cusub Ee Xisbullaahi Sheekh Maxamuud C/laahi Raage Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa (Warmaalnews);- Waxaa xalay xabsiga loo taxaabay guddoomiyihii urur-diimeedka Xisbullaahi Sheekh Maxamuud C/laahi Raage, kaasi oo markii la xidhayey laga kaxeeyey mid ka mida madarasadaha uu dhigo oo uu xiisad kaga jiray.

Ilaa hadda xadhiga sheekha wax war ah kamay soo saarin xukuumaddu, balse xadhigiisu waxa uu imanayaa kadib markii uu sheekhu dhawaan ku dhawaaqay Ururkan oo ah mid ku cusub dalka, isla markaana lagu sheegay inuu u taaganyahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo laalista Cilmaaniyada ama Dimuqraadiyadda.

Tan iyo markii ururkan lagu dhawaaqay oo ahayd 11/12/2011-ka waxaa soo baxaayey dareeno kala duwan oo laga muujiyey soo ifbaxa Xisbullaahi. Waxaanay dadka qaar tilmaameen inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somaliya.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa iyaduna ururkan ku tilmaantay mid aan loo soo marin sifo sharciya, Isla markaan aanay aqoonsanayn waxbana kala socon. Iyadoo dareen xoog leh ka muujisay xaqiiqada ururkan loo aasaasay dhaliilo culusna u soo jeedisay.

Dareenka xukuumadda iyo Bulshada qaarba  waxaa jawaab kulul ka bixiyey Sheekh Maxamuud C/laahi Raage oo Jimcihii Shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa, kaasi oo markale ugu celiyey hadafka iyo himilooyinka ururka. Waxaanu cod dheer ku sheegay in haba-yaraatee aanay jirin wax xidhiidh ah oo uu la leeyahay ururada Somaliya ka jira

Waxaan dhaar ku marayaa oo Wallaahi Billaahi ah inaanaan waxba ugu jeedin Ururka Xisbullaahi, Xidhiidh aanu la leenahay Ururda Hubaysan ee saska laga qabana haba yaraatee ma jirto, waana ka soo hor jeednaa, Dadka na leh waxay wadaan dhibaatana waxaanu leenahay ma Diinta ayaad ka Xun tihiin maxaad uga boodeen Ururka Xisbullaahi, waa Urur Diinta ka shaqaynayaa Ayuu yidhi Sheekh Maxamuud C/laahi Raage oo hadalkiisana ku adkeeyey Dhaar.

Sheekha oo si gaara ugu jawaabaya Masuuliyiintii u hadlaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa yidhi  "Waxay leeyihin Dalka ayaanu Diinta uga wakiil nahay, miyey shareecada islaamka ku xukumaan, Nimanka Timo weynta ah ee hadlayna waxaan leeyahay Siyaaradiinna iska gurta awalba, Gofane dadka ku nool ayaad ahaydeene"

Waxaa maalmahanba la isla dhex marayey warar sheegaya in xadhig loo maleegayo, Waxaanu taasi isagoo ka jawaabaya una quus-goynaya cidkasta oo xadhigiisa isku dayda uu yidhi "Waxay leeyihiin waa la xidhayaa annagu xadhig kama baqanayno ilaa Siyaad Barre ayaa la is soo xidhayey, xadhigna kuma daynayno u shaqaynta Diinta islaamka, Xukuumadduna Bal hadii ay rag yihiin shareecada Islaamka dadka ha ku xukumaan"

Xalay Cishaa'igii ayey ahayd markii la xidhay Sheekha, ilaa haddana waxa uu ku xidhan yahay Saldhiga xaafadda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa. Mana aha markii ugu horeysay ee la xidho balse waxaa jirtay marar door ah oo xukuumadihii kala dambeeyey ay xidheen. Isagoo wakhtiyadaasina loo xidhi jiray uun hadafkiisan uu imikana u samaystay ururkan uu ugu magac-daray Xisbullaahi.

Source Hadhwanaagnews