Liverpool Oo Iibineysa Keita, United Oo U Dhaqaaqeysa Maguire & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Liverpool ayaa quuldareyneysa iney Naby Keita oo 24-jir ah u ogolaato inuu kooxda isaga tago marka uu dhamaado fasalkaan, waxeyna diyaar u tahay iney ku qasaarto xiddiga reer Guinea. (The Sun)

Zinedine Zidane ayaa ku adkeysanaya in 23-jirkiisa reer Spain – Marco Asensio aan la iibin doonin xilli ay dooneyso kooxda Liverpool. (Mirror)

Man United, Arsenal iyo Tottenham ayaa isha ku wada haya daafaca kooxda Sampdoria iyo qaranka Denmark Joachim Andersen kaas oo 22-jir ah. (Calciomercato)

Liverpool ayaa u muuqata koox ku hungoobeysa saxiixa Matthijs de Ligt iyadoo madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu uu u safray Holland si uu 19-jirkaan heshiiskiisa u dhameeyo. (The Sun)

Manchester United ayaa loo sheegay iney iibsan karto Harry Maguire oo 26-jir ah, balse waa iney bixiso lacag rikoor jabin ah. (Star)

Barcelona ayaan kalsooni ku qabin goolhayaha reer Holland Jasper Cillessen oo 29-jir ah kaas oo doonaya inuu baxo xagaaga soo aadan, waxeyna doonayaan iney badalkiisa helaan. (Marca)

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*