WARBIXIN ku saabsan Soomaaliland

Soomaalilaan oo sida dawliga ah loo yaqaanno “Jamhuuriyadda Soomaalilaan” waa dawlad iskeed goonni-isku-taag ugu dhawaaqday kuna taalla Geeska Afrika. Soomaalilaan oo ka mid ah 209-ka dal ee dunida ka jira, waa dal caan ku ah oo lagu majeerto ilaalinta nabad-gelyada guud ahaanba gobollada uu dalku ka kooban yahay iyo dadka ku nool, la dagaallanka argagixisada, horumarinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada biyaha iyada oo aany jirin wax caawimo ama taageero ah oo ay ka hesho beesha caalamka. Sida oo kale Soomaalilaan waxa lagu majeertaa u hoggaansanaanta iyo ku dhaqanka dimuquraaddiyadda, iyo isu tanaasulka hannaanka dawladnimo, balse waxa lagu tiriyaa inay ka mid tahay 14 dal ee aanay aqoonsanayn beesha caalamku.
Soomaalilaan waxa ay dhinaca woqooyi-galbeed deris ka yihiin Jamhuuriyadda Jabuuti, dhinaca Koonfur-Galbeed waxa ay xuduud kala wadaagtaa dawladda Itoobiya, bari waxa ay xuduud kala leedahay dowladda Soomaaliya, halka dhinaca woqooyina ay ka xigaan biyaha Badda Cas. Tirada dadka Soomaalilaan ku nool waxa lagu qiyaasaa 4 illaa 4.5 Milyan oo qof, baaxadda dhulka ay ku fadhidaana waa 139,000km2. Soomaalilaan dhinaca woqooyi waxa ka xiga xeebta Badda Cas oo fidsan dherer lagu qiyaasay 740km2. Soomaalilaan waxa ay ka kooban tahay 12 gobol oo kala ah Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo ah lixda gobol ee illaa hadda haysta gobolnimada buuxda, halka Selel, Gabiley, Hawd, Saraar, Daad-madheedh iyo Badhan ay ka yihiin lixda gobol ee aan weli gobolnimadooda baarlamanku ansixin.
Soomaalilaan waxa ay noqotay dal madax-bannaan 26 Juun 1960-kii, iyada oo xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, waxaana ay noqotay dalkii koowaad ee ay Soomaaliyi degto ee calan xor ah laga taago. Lix maalmood ma ay jirin markii ay dawladnimadeedii la doonatay Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysan jiray ee ay la midowday 1 Julaay isla 1960-kii, halkaas oo lagu aasaasay dawladdii ugu horraysay ee ka dhalata midowgii labada gobol oo loo bixiyey Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse nasiib-darro midowgaas waxa uu noqday mid fashilmay oo aan sannado badan sii jirin.
Kadib markii ay soddon-sanno Soomaalilaan ka mid ahayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, Soomaalilaan waxa ay gashay halgan hubaysan oo ay xaqeeda ku dhacsanayso. Golihii guurtida ee ugu horreeyey Soomaalilaan waxa ay aasaastay, sida ku xusan Buuga “Go’aan iyo Geesinimo” ee uu qoray Cali Cabdi Coomey aakhirkii sannadkii 1988-kii, markii dalka laga saaray Jabhaddii xaq-u-dirirka ahayd ee SNM. Markii uu daciifay laxaadkii ciidamadii SNM, waxa ay dadkii Soomaalilaan bilaabeen abaabul ay ku suurogalinayaan shirweyne ay isugu yimaaddaan dhammaan duqeydii iyo beelihii halganka ku jiray, abaabulkaasi oo uu gadhwadeen ka ahaa AHUN Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar, aakhirkiina waxa shirweynihii koowaad la qabtay bishii Diisamber ee sannadkii 1988-kii. Muddadaas uu
shiweynuhu socday waxa guddoominayey Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar oo 16 sannadood oo cimrigiisa ah hoggaaminayey “Golaha Guurtida Soomaalilaand”.
27-kii Jeenawari sannadkii 1991-kii ayaa xooggagii SNM gacanta ku dhigeen dalkii la odhan jiray “British Somaliland”, haataanna loo yaqaanno Jamhuuriyadda Soomaalilaan oo muddo soddon-sannadood ah ka mid ahayd dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Iyaga oo madaxdii SNM ay ku dedaaleen sidii ay u heshiisiin lahaayeen beelihii walaalaha ahaa ee ay iska hor-keentay xukuumaddii kalitaliska ahayd ee uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Siyaad Barre,.
Shacbigii Soomaalilaan oo in ka badan toban sannadood ku jiray halgan hubaysan oo ay hoggaaaminayeen xooggagii jabhadda SNM, waxa ay waxgaradkii, waayeelkii, siyaasiyiintii, aqoonyahankii iyo hormuudkii qabaa’ilka Soomaalilaan shir-beeleedkii ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 18-kii bishii May sannadkii 1991-kii ku heshiiyeen inay ku dhawaaqaan goonni-isu-taagga iyo qarannimada Soomaalilaan oo ay la soo noqdaan xorriyaddii ka luntay 26-kii Juun 1960-kii.
27-ka sannadood ee ka soo wareegay markii ay Soomaalilaan ku dhawaaqday goonni-iskutaaggeeda waxa hab dawladnimo oo ku dhisan hannaan dimuquraaddiyadeed isku soo beddalay shan madaxweyne oo uu ugu horreeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa guddoomiyihii ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM ayaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaalilaan yeelato isaga oo xilka hayey laga bilaabo 18 May 1991-kii illaa 5 May 1993-kii. Waxa madaxweynihii labaad ee Soomaalilaan yeelato loo doortay halyeeygii iyo halgamaagii ummadda Soomaalilaan ka dhashay ahaana hoggaamiyayaashii ugu caansanaa ee Geeska Afrika Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, isaga oo xilka hayey laga bilaabo 3 May 1993-kii ilaa uu ka geeriyoonayey 2 May sannadkii 2002-dii. Waxa madaxweynihii saddexaad ee ay Soomaalilaan yeelato loo doortay mudane Daahir Rayaale Kaahin oo xilka hayey laga bilaabo 2 May 2002-dii illaa bishii Julaay 2010-kii. Waxa isaguna madaxweynihii afaraad ee ku guulaysta kursiga Soomaalilaan looga arrimiyo noqday Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa mid ka mid ah guddoomiyeyaashii ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, isaga oo xilka hayey intii u dhexaysay sannadkii 2010-kii bishii Julaay illaa sannadkii 2017-kii bishii Diisember. Haatan la joogana waxa madaxweyne ka ah Soomaalilaan mudane Muuse Biixi Cabdi oo xilka madaxtinimada la wareegay bishii Diisember 2017-kii, sida uu dastuurka Soomaalilaan dhigayana waxa uu muddoxileedkiisu ku eg-yahay sannadka 2022-ka bishiisa Noofamber.
Soomaalilaan waxa ka dhacay saddex doorasho oo loo tartamay jagada madaxtinimada kuwaasi oo hal qof iyo hal cod ahaa. Hal mar waxa ku guulaystay xisbigii UDUB oo muddo 10 sannadood ah talada dalka gacanta ku hayey marka laga soo bilaabo aasaaskiisii, halka laba goor uu kaga guulaystay xisbiga Kulmiye oo isla wakhtigan aynu joogno talada dalka Soomaalilaan gacanta ku haya. Wakhti xaadirkan waxa Jamhuuriyadda Soomaalilaan ka jira saddex xisbi oo kala ah: Waddani oo uu guddoomiye ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
UCID oo uu guddoomiye ka yahay Faysal Cali Waraabe iyo Kulmiye oo uu guddoomiye ka yahay madaxweynaha haatan talada dalka gacanta ku haya ee Muuse Biixi Cabdi.
Maalmaha Soomaalilaan sida gaarka ah looga xuso waxa ka mid ah:
26-ka Juun sannad walba oo ah maalintii dadka reer Soomaalilaan ay ka hoos baxeen maxmiyaddii Ingiriiska ee loo yaqaannay British Somaliland Protectorate, markaas oo ay gobonnimadeeda ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska.
18 May sannad walba oo ku beegan shirweynihii shacabka Soomaalilaan ku go’aansadeen goonni-isu-taaggooda ee ay kaga noqdeen midowgii lagu hungoobay ee 1960-kii ee ka dhacay magaalada Burco.
Laba ciidood ee islaamka iyo sida oo kale maalmaha Caalamiga ah sida: Maalinta shaqaalaha, maalinta AIDS-ka, iyo wixii aan diinta islaamka iyo dadka reer Soomaalilaan lid ku ahaynba.

 

 

Qalinkii: Cabdirisaaq Sharma’arke

Hargeisa
Warmaal News.com

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*