Xiriirka Kubadda Cagta Morocco Oo Doonaya In Dhigooda Argentina Ay Sharraxaan Maqnaashaha Lionel Messi Ee Kulanka Labada Wadan.

Xiriirka kubadda cagta wadanka Marocco ayaa dhigooda Argentina ka doonaya sharraxaad dheeri ah oo ku saabsan sababta uu kulanka labada wadan uga maqan yahay Lionel Messi, xiddigaan ayaa seegi doona kulanka ay labada wadan ku ciyaari doonaan Tangier.

Xiddigaan reer Argentina ayaa la sheegay in dhaawac looga saaray qaranka, durbana wuxuu dib ugu laabtay magaalada Barcelona si uu isugu diyaariyo kulanka xiga ee kooxdiisa, arrintaan waxey dhalisay iney xiriirka kubadda cagta Marocco ka caroodaan.

Bayaan kasoo baxay xiriirka ayaa sheegaya iney goor hore ogaadeen maqnaashahiisa, waxaana kusoo wargaliyay shaqsiga u qaabilsan qaban-qaabada kulanka, balse waxey sharaxaadda dhigooda u weydiisanayaan waxey tahay in heshiiska labada xiriir uu ku jiray in Messi kasoo muuqdo kulankaas.

Messi ayaa muddo kadib kusoo laabtay qaranka, 90-daqiiqo ayuu ciyaaray kulan ay guuldaro qaraar kala kulmeen Venezuela, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu xirto maaliyadda tan iyo koobkii Adduunka.

Kulanka Morocco ayaa ka dhigan midka ugu dambeeyo oo ay ciyaarayaan Argentina ka hor Copa America oo bilaaban doona 14-ka June, waana madal ay doonayaan iney xulkaan bandhig fiican kusoo bandhigaan.

 

 

Warmaal news.com

Xafiiska hargaysa

warmaal@gmail.com

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*