Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Booqday Caasimada Labaad Ee Finland Iyo Masuuliyiin Uu Kulamo La Qaatay.

Hargaysa  26 march 2019
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Ayaa shalay booqasho ku tegey caasimadda labaad

ee dalka Finland ee TURKU, waxaa uukulamo la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wadashaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada ee Turku , Finland waxaanu usharaxay Golaha Baarlamaanka ee Finland doorahsda bisha April ee sanadkan Elina Rantanen, Duqa Magaalada Turku Finland,Minna Arve iyo Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen

Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku.

Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo.

Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso.

Waaxda war faafinta ee xisbiga WADDANI

Hargysa-Somaliland.

Warmaal news.com
Xafiiska Hargaysa 

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*