Hooyada Mohamed Salah Oo Fariin Qoys Ah U Dirtay Wiilkeeda Xilli Uu Hab Siiyay Qof Dumar Ah & Xiddiga Liverpool Oo Si Kaftan Ah Baraha Bulshada Usoo Dhigay.

Mohamed Salah ayaa maalmahii ugu dambeeyay ku sugnaa Dubai xilli uu fasax usoo aaday inuu soo gudanayo waajibaadkiisa qaranka, sidoo kalana wuxuu tartan ugu jiraa inuu kooxdiisa kula guuleysto koobka Premier League markii ugu horreysay.

26-jirkaan ayaa baraha bulshada kusoo qoray kalmadda caanka ah ee jamaahiirta Liverpool iyo qof walba oo kooxdiisa ah isticmaalo “You will never walk alone”, sidoo kale wuxuu la kulmay qaar ka mid ah taageerayaashiisa kuwaas oo sawiro la galay.

Mid ka mid ah sawirada aad loogu hadal qaaday baraha bulshada waxaa ka mid ah mid uu hab siinayo qof dumar ah, wuxuu noqday mid ka mid ah kuwii loogu hadal heynta badnaa aaladaha la isticmaalo.

Arrintaan waxey dhalisay in hooyada Mohamed Salah ay ka carooto isla markaana wiilkeeda ay u dirto fariin ay tahay inuu ku waano qaato, fariintu waxey ku qorneed luqadda carabiga sida aad sawirka hoose ka arkeysaan.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*