Waa Maxay Sababta Ay Xiriirka Kubadda Cagta Argentina Lacag Ku Dhaw Nus Malyan Yuuro Ugu Weynayaan Maqnaashaha Lionel Messi Ee Kulanka Caawa?

Xulka Argentina ayaa caawa la ciyaari doona dhigooda Morocco kulan uu ka maqan yahay kabtan Lionel Messi, balse maqnaashaha xiddigooda ugu muhiimsan maahan caqabadda soo wajaheysa xiriirka kubadda cagta Argentina ee sidoo kale waxey lumin doonaan lacag ku dhaw nus malyan oo yuuro.

Maqnaashaha Messi ee kulanka caawa waxey ka dhigan tahay in xiriirka kubadda cagta Morocco ay kaliya bixin doonaan adduun dhan 550,000 kun oo Yuuro, waxeyna labada wadan caawa ku ciyaari doonaan magaalada Tangier.

Wargeyska caanka ah ee Morocco laga leeyahay Al Ahdaz al Magrebiya ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka FA-ga wadanka martida loo yahay ay goosan doonaan qidmad dhan 450,000 kun oo yuuro maadaama uu maqan yahay Messi.

Labada wadan ayaa ku heshiiyay in Morocco ay bixiso qiimo dhan 1 Milyan oo Yuuro hadii kulanka uu kasoo muuqdo Messi, balse la’aantiis waxey ku qasban yahiin iney aqbalaan qiimaha hoos loo dhigay.

Heshiiska ay labada dhinac galeen waxaa ku jirtay markii hore in Messi uu ciyaaro ugu yaraan 70-daqiiqo, balse nasiib xumo kabtanka Argentina wuxuu ku laabtay Camp Nou isagoo doonaya inuu isku diyaariyo kulamada kooxdiisa ee soo socda.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*