YAAB: Mohamed Salah Oo Xalay Qasbay In Jamaahiirta Xulka Qaranka Malta Ay Ku Foodhyaan Sergio Ramos!! – Siday Wax U Jiraan?

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xalay saamayn ku yeeshay kulankii dhex maray xulalka Malta iyo Spain ciyaar lagu kala baxay laba gool oo uu xulka La Roja lagu naanayso u dhaliyay Alvaro Morata.

Kulankaas gudihiisa ayay ka dhaceen dhacdooyin qariib ah waxaana ugu caansanaa in jamaahiirta Malta ay ku foodhyayeen kabtanka Spain ee Sergio Ramos kaas oo xiddiga qudhiisu uu garan la’aa waxa sababay ee uu ka galay.

Haddaba, Saxaafada oo haatan ka daba tagtay sababta orintaas ayaa sheegay in xulka Malta uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhigiisa England iyo horyaalka Premier League walina ay jamaahiirtu ka xanaaqasan yihiin wixii uu Ramos ku sameeyay Salah 10 bilood kahor.

Ramos ayaa qaybtii hore ee kulankii Final-ka UEFA Champions League ee dhex maray Real Madrid iyo Liverpool qaab yaab leh dhaawac ugu geystay Salah oo ahaa hubka ugu weyn ee Reds ku dagaalamayeen taas oo dhalisay in eedaymo kala duwan loo soo jeediyo.

Foodhida iyo orinta koowaad ayaa bilaabantay kahor intii aan si rasmi ah loo baasin kubadda waxaana ay jamaahiirtu ku oriyeen magaca Sergio markii garoonka lagaga dhawaaqay.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*