In Badan Ayaan Jeclahay Pogba” – Zinadine Zidane Oo Markiisa Amaanay Paul Pogba & Waxa Uu Ka Yidhi Haddii Mbappe U Qalmo Lacag Waali Ah.

Tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ka hadlay wax ku saabsan dhawr xiddig oo ree France ah waxaana uu si khaas ah u tilmaamay in khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba yahay mid uu xirfadiisa jecel yahay.

Iyadoo ay jiraan warar badan oo Pogba la xidhiidhinaya Los Blancos ayuu Zidane markiisa saxaafada kahor amaanay xiddigan ay dhalashada wadaagaan.

“In badan ayaan jecelahay Pogba taasina maaha wax cusub maadaama oo aan isaga u garanayo shaqsiyan” Ayuu yidhi ugu horreynba Zidane oo ku jira shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka Huesca.

“Isagu waa mid ka duwan ciyaartoyda kale waxaana uu bixiyaa wax ay in yar oo ciyaartoyda ahi samayn karaan maadaama oo uu garanayo sida loo weeraro iyo sida loo difaacdo”

“”Si kastaba, Isagu maaha ciyaartoygaygii isagu waa ciyaartoy Manchester United ah waana inaynu ixtiraamnaa midaas, Waxa uu markasta sheegayay inuu jecel yahay Real Madrid gaar ahaan Real Madrid oo uu joogo Zidane”

Dhinaca kale Zizou oo ka hadlay qiimaha waalida ah ee uu suuqa ku joogo Kylian Mbappe ayaa sheegay inuusan da’yarkaasi u qalmin lacagahaas balse ay kooxuhu go’aamiyaan lacagta.

Waxaana uu yidhi markale “Ma odhan karayno Mbappe wuu u qalmaa maadaama midaas ay wakhtiyada qaar cayimaan kooxuhu”

“Markii aan imid Real Madrid qiimaha heshiiskaygu waxa uu ahaa 70 Milyan  waxaana ay ahayd mid waali ah haatana eeg halka aynu ku socono”

“Waynu ognahay ciyaartoyga cajiibka ah ee uu yahay laakiin isagu maaha ciyaartoygayga kamana hadli doono aniga oo ixtiraamaya ciyaartoydayda iyo kooxaha”

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*