Monthly Archives: April 2019

Madaxweyne Muuse Biixi oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobolka Sanaag

Hargeysa  (warmaal news) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwasi oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-Adag. Xaaladan deg-dega ah ayaa socon doonta muddo Saddex bilood ah, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo goordhawayd kula hadlayey Xarunta Madaxtooyada. “Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ...

Read More »

Donald Trump: lacag baan si dhibyar uga soo dhacsaday Sacuudiga

Warbaahinta Carabta ayaa maalmahan aad u hadal haya hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo sheegay in qaab xeeladeysan uu ku helay lacag dhan shan boqol oo milyan oo doolar, kadib markii uu wacay boqorka Sacuudiga, Boqor Salmaan. Trump oo ka hadlayay isu soo baxa hal ku dhigiisu yahay “Make America Great Again” ayaa sheegay in Sacuudiga ay ...

Read More »

Prof Samatar Oo Ogol In Uu Noqdo Wasiirka Khaarajiga

30 april 2019 Hargaysa -(warmaal newws) Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in aanay Somaliland wax horumar ah ka samayn siyaasadda arrimaha dibadda muddadii ay jirtay oo 28 sannadood maraysa. Prof Samatar iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo magaalada Berbera ka jeediyay hadallo qayb ka ah dadaallada ay ka wadaan dalka ee ah Tabliiq siyaasadeed oo inta badan ay kaga ...

Read More »

Deg Deg :- Gudoomiye Ciro ” Maxamed Kaahin Qori Dab Leh Ayuu Dalka Kula Wareegayaa – (muuqaal –

30 april 2019   Hargeysa (warmaal news):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo maanta shir Jaraa’id saxaafada u qabtey waxaa uu si adag uga hadley xaalado adag oo uu sheegay in uu maanta dalka ka jirto Gudoomiye Ciro ayaa hanjabaado iyo digniino is barkan u diray xukuumada madaxweyne Biixi , waxaana uu cadeeyey in wasiir Maxamed ...

Read More »

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay 81 qof oo u badan dad looga shakisan yahay Al-Shabaab

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhafay ay gacanta ku soo dhigeen dad gaaraya 81 qof oo intooda badan lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Boolisku waxaa kale oo uu sheegay in ay gudaha magaalada Muqdisho ka soo qabteen maandooriyaha xashiishka iyo dad ay sheegeen in ay ka ganacsanayeen. Taliye ku-xigeenka ciidanka ...

Read More »

Xildhibaan Fiqi oo sheegay in guddoomiye Yariisow laga sugayo Xisaab celin

Muqdisho  (warmaal news)- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ka sugayaan inuu cadeeyo halka lagu bixiyo canshuurta laga qaado Shacabka magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dil la kulmaan ...

Read More »

Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale?

Sheekh Cabdicasiis Muxumed Samaale waxa uu Siyaasadda kasoo fantay oo uu ka mid ahaa raggii ku ababay Xisbiga Kulmiye wakhtiyaddii uu Mucaaridka weyn ahaa ee uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale kaahin, waxaana lagu xasuustaa weedho aan laaqi ahayn oo uu si Jar-Iska-Xoornimo kujirto ugu miisi jiray Daahir Riyaale kaahin kuwaasi oo illaa imika ka dhex guuxa ...

Read More »

Amb Baashe Oo Ka Hadlay Xafiiska Kenya Ee Hargeysa

Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland. Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada ...

Read More »