Imaatinka Eden Hazard Ee Real Madrid Oo Ku Xiran Kaliya Hal Arrin – Shabakadda Marca Oo Faah-Faahisay.

Weeraryahanka Chelsea Eden Hazard ayaa doonaya inuu u ciyaaro Real Madrid, waana arin ay qof walba ogtahay, balse sida lagu qoray shabakadda Marca hal arrin ayey ku xiran tahay inuu yimaado xiddigaan garoonka Santiago Bernabeu.

Eden Hazard wuxuu amaan buuxda usoo jeediyay kooxda boqortooyada, sidoo kalana wuxuu aad u aaminsan yahay shaqsiyadda halyeeygii hore France Zinedine Zidane kaas oo dib ugu soo laabtay kooxda caasimadda.

Xiddigaan reer Belgium wuxuu dalab ka helay Madrid isagoo ku sugan Lille, balse markaas wuxuu ka doortay Blues oo maqaamkiisa sare u qaaday isla markaana uu ku noqday mid ka mid ah kuwa ugu fiican kubadda cagta wakhtigaan.

Si kastaba Blues uma muuqato koox ceshaneysa xiddigaan heerka caalami, waxeyna durba kasoo iibsadeen dhigooda Borrusia Dortmund Christian Pulisic si uu badal ugu noqdo Eden Hazard.

Sida la aaminsan yahay Zinedine Zidane ayaa ah qofka ay ku xiran tahay in Hazard uu yimaado Santiago Bernabeu, hadii uu ku darsado qorshahiisa fasalka cusub 2019/2020 waxaa hirgali doona inuu xiddigaan muddo 7-sano kadib ah faarujin doono Stamford Bridge.

Lama oga mustaqbalka Gareth Bale, waana midda albaabka u fureysa xiddigaan heerka caalami, qof walbana wuxuu fahamsan yahay in xiddiga reer Wales uu waayahiisa dalka Spain soo dhamaaday maadaama uu ka mid ahaa dhawr arrin oo Zidane ku qasabtay inuu Madrid ka tago ka hor inta uusan kusoo laaban.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*