Mohamed Salah Oo Kashifay Hadalkii Uu Tababare Jurgen Klopp U Sheegay Ciyaartoyda Kadib Guushii Tottenham Hotspur.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaartoydiisa u sheegay guushii ay ka gaareen iney tahay mid aad uga muhiimsan iney u ciyaaraan si wanaagsan, sida uu saxaafadda u sheegay Mohamed Salah oo kadib kulanka hadal kooban siiyay.

Reds ayaa si nasiib ah gool xilli dambe ah kaga badisay Spurs, waxaana goolkaas shabaqiisa ku leexiyay Toby Alderweireld, guushaas weyn oo ay shalayto gaareen waxey ka saaciday iney dib ugu laabtaan fooqa sare horyaalka Premier League.

Weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah oo masuul ka noqday iney Reds goolkaas hesho kadib markii uu madax ku tuuray goolka ayaa saxaafadda u sheegay wixii uu Jurgen Klopp ka sheegay qolka labiska.

“Waxaan aaday qolka labiska, waxaana la hadlay macalinka” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Wuxuu yiri – wixii dhacay ma ahan wax ku saabsan inaan u ciyaarnay si fiican, balse waxa ugu muhiimsan waxey tahay inaan helnay hab aan ku guuleysano”

“Kooxaha waaweyn waxey helaan dhabbe ay ku guuleystaan”

“Maanta si fiican uma aanan ciyaarin, balse waxaan helnay guul, waana waxa ugu muhiimsan, taasi waa waxa ay sameeyaan kooxaha waaweyn”

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*