Xatooyo casri ah lagu xaalufiyay Shiinaha iyo Mareykanka

Ma jirin albaab la jabiyay, ma jirin muraayad la burburiyay, balse warshadda ku taalla duleedka magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha waxay ahayd meel lagu soo xoomay oo uu ka dhacay faldambiyeed aad casri u ah. Qof ayaa xaday hantidii guud ee aasaaska u ahayd warshadda.

“Dhowr sano ka hor, mid ka mid ah maamuleyaasheyda dhinaca IT-ga ayaa gadistay kun bog oo ka mid ah warqadihii ay ku qorneyd xogta guud ee shirkaddeyda”, Frank Liu ayaa sidaas u sheegay BBC-da. Shirkaddiisa oo lagu magacaabo Intco waxay shaqeyneysay muddo 25 sano ah.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha laga xaday ay ku jiraan kuwo horseedaya inay shirkaddu burburto: “Waa macluumaadkii dhinaca tiknoolojiyadda ee shirkaddeyda, liiskii ay ku qornaayeen magacyada dadka macaamiisha ah ama kuwa adeegyada keeni jiray. wax walba”.

Intco waa shirkad ganacsi oo sameysa qalab dhinaca caafimaadka loo adeegsado, alwaaxyada guryaha iyo kuwa la galiyo sawirrada.

Warshaddan oo ay BBC-du booqatay waxay ku taallaa xarun gacansi oo ku fadhisa saddex waddo oo muhiim ah, taasoo ka dhisan dhinaca Koonfureed ee magaalada Shanghai.

Shirkaddan waxay dib usoo warqasheysaa qashinka ka sameysan qalabka halka mar la isticmaalo ee shiinaha looga soo dhoofiyo guud ahaan caalamka.

Qalabka ay soo saarto waxaa marka dambe loo kala dhoofiyaa dalalka Brazil, Ruushka, Mareykanka iyo Ingiriiska.

“Xaqiiqdii waan ognahay macluumaadka ku saabsan sida uu u xaday, wuxuu doonayaa inuu ku aasaaso shirkad cusub oo uu isagu leeyahay”, ayuu yidhi Mr Liu.

Mr Liu wuxuu dareemayaa in uusan lahayn wax keyd ah oo khaas u ah. Wuxuu noo sheegay inuu booliska u tagay laakiin aysan waxba u qabanin. Hase yeeshee isagu wuxuu sheegayaa in wali uu ku raad joogo.

Sheekadiisu waa mid caan ka ah halkan, waxaana ka warqaba shirkadaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah labadaba.

Saraakiil sar sare oo ka kala socda dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isbuucan yeelan doona wareeggii labaad ee wadahadalkooda dhinaca ganacsiga.

Ajandaha ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa hantida aasaasiga ah ee ganacsiyada ayey aad u dalbanayaan mas’uuliyiinta ka socda dhinaca Washington.

Waxay ku doodayaan in shirkadaha Mareykanka iyo kuwa kale ee caalamku uu ku leeyahay Shiinaha ay tobannaan sano la daalaa dhacayeen xatooyada casriga ah ee lagu xaalufiyo hantidooda aasaasiga ah.

 

 

bbc somali

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*