Balanbaalis caqabad ku ah gidaarka uu Trump damacsanyahay

Dad aad u badan ayaa kasoo horjeeda qorshaha gidaarka uu madaxweyne Donald Trump damacsanyahay in uu ka dhex dhiso Maraykanka iyo Mexiso, balse waxaa jira caqabad kale oo is hortaagi karta arrintan, waana Balanbaalis.

Haa waa dhab, ma ahan dhalanteed, waxaana socota dacwad ay garsoorayaal dhagaysanayaan.

Meel ka mid ah meelaha laga dhisi doono gidaarka oo ah cirifka koonfureed ee gobolka Texas waxaa ku taala xarunta qarameed ee balanbaalista, halkaas oo ah kayn lagu xanaaneeyo nooleyaal badan, loona dalxiis tago.

Sida ay sheegtay agaasimaha xaruntan Marianna Trevino Wright, gidaarka waxa uu dhexmarayaa dhulka xarunta oo dhan 110 higtar, wuxuuna caqabad badan ku keenayaa noolayaasha halkaas ku nool sida shimbiraha, balanbaalista, masaska, iyo xitaa qorotada.

Waxaa xudduuda mara webi lagu magacaabo Riyo Grande, kaas oo labadiisa goonyood ay isaga gudbaan noolayaashan , waxayna ku xirantahay hadba xilliga lagu jiro gu’ iyo deyr.

Inkasta oo shimbiraha qaar ay kasoo gudbi karaan gidaarka, haddane waxa ay gabadhan sheegtay in balanbaalista iyo masaska dabar go’a ku dhow.

Sidaas darteed iyada oo la cuskanayo arrimaha illaalinta deegaanka oo ah wax aad loo tixgaliyo, ayay maamulka xaruntan dacwad geeyeen maxkamadaha dalkaas.

Marianna Trevino Wright ayaa loo arkaa halyeey isku taagtay madaxweyne awood badan
Image captionMarianna Trevino Wright ayaa loo arkaa halyeey isku taagtay madaxweyne awood badan

Dad badan ayaa hadda u arka maamulayaasha xaruntan kuwa halyeeyo ah oo isku taagay madaxweyne awood badan, kuwaas oo u doodaya xuquuqda deegaanka iyo dadka soo galootiga ah oo uu Trump ku dacwoonayo in uu ka hortagayo.

Mr Wright waxa ay sheegtay in 6 sanno oo ay halkaas maamule ka ahayd, ay kaliya 2 jeer uun aragtay dad tiro yar oo xuduudaas kasoo talaabaya, sidaasi darteedna aysan marmarsiimo wanaagsan ahayn in gidaar laga dhiso dhulkeeda bartankiisa.

Dhawr jeer ayay goobta yimaadeen shirkadaha dhismaha gidaarka qandaraaska ku qaatay oo wata qalab aad u culus, balse maxkamad ayaa ku amartay in ay ka fogaadaan dhulka gaarka loo leeyahay.

Xaruntan oo kaliya ma ahan kuwa la dagaalamaya gidaarka Trump, ee sidoo kale waxaa jira xarumo kale oo la mid ah iyo kaniisad.

Dadka kasoo horjeeda darbiga ayaa xarunta balanbaalista u uruuriyay lacag dhan $100 kun oo doolar taas oo loogu talogalay in ay isaga bixiyaan qarashka maxkamadda.

Xarunta Qaran ee balanbaalista ayaa ka mid ah dhawr goobood oo dacwad ka gudbiyay qorshaha madaxweynaha
Image captionXarunta Qaran ee balanbaalista ayaa ka mid ah dhawr goobood oo dacwad ka gudbiyay qorshaha madaxweynaha

“Dacwadda waxaan cuskanaynaa sharciga NEPA oo ah kan illaalinta deegaanka qaranka iyo kan illaalinta xayawaanka sii dabar go’aya iyo waliba kan ka hor tagga la wareegista dhulka gaarka loo leeyahay iyo dhawr sharci oo kale” ayay tiri Mrs Wright.

Balse wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laashay sharciyada qaar oo ay cuskanayeen garyaqaanada xaruntan, taas oo horseedday in garsoorihii koowaad uu daaqadda ka tuuro dacwadda xarunta.

Haseyeeshee rafcaan ayay ka qaateen xukunka maxkamadda, waxayna rajaynayaan in ay ku guuleysan doonaan

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*