DEG-DEG Dil toogasho oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Hargeysa (warmaal news) ― Warar uu helaayo warmaal news ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa uu maanta nin hubeysan ku toogtay qof rayid ah.

Toogashadan ayaa ka dhacday Xaafada Siinay ee Degmada Axmed Dhagax. Qofkan la toogtay ayaa lagu sheegay magaciisa Mahad Sool Ducaale.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in qofkan la toogtay uu dilay nin ay isku hayb-yihiin, isla markaana la sheegay inuu yahay Askari katirsan Ciidanka RRU-da Somaliland.

Ninkan dilka geystay ayaa isla markiiba ka cararay goobta, sida at warmaal news u sheegen dad goob-joog ahaa.

Ilaa iyo hadda wax war ah kamay soo saarin dilkan laamaha amniga ee Somaliland

Wixii kasoo kordha kala soco warmaal news

Warmaal news
Xafiiska Hargeysa

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*