Xukumadda Oo Xeer Nidaamiye U Samaynaysa Qalabka Ay Kula Soconayso Telefoonnada

9 april 2019   Hargeysa (warmaal news)

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi ,ayaa sheegay inay xeer nidaamiye u sameeyeen qalabka lagula soconayo dhaq-dhaqaaq isgaadhsiinta. Waxa uu sheegay inay si sahlan u helayaan telefoonnada bulshadu isu dirayso iyo farriimaha ay isugu dirayaan telefoonnadooda.
Qalabkan xukuumadda Somaliland dhawaan soo iibsatay ayaa lagula soconaya shirkadaha Isgaadhsiinta siiba dhanka cashuuraha iyada oo dad badan walaac ka qabo in xukuumaddu si sahlan u dhegaysan doonto telefoonnadooda haddii ay u baahato.

Wasiir Cabdiwali oo ugu horeyn sharaxaya xeerkaasi ayaa yidhi “Xeerkaa aanu ugu talo galnay in lagu hago oo lagu maamulo nidaamka ay keensatay wasaaraddu ee aanu ugu talo galnay in aanu kula socono dhaq-dhaqaaq isgaadhsiinta, xeerku muxuu sheegayaa? wuxuu sheegayaa waajibaadka wasaaradda laga rabbo, wuxuu sheegayaa waajibaadka laga doonayo shirkadaha isgaadhsiinta iyo sida loo hirgelinayo farsama ahaan xeerka markaa ujeedadiisu waa maxay? marka koobaad waa xeer nidaamiye laga soo dheegtay xeerka guud ee isgaadhsiinta, ujeedada xeer nidaamiyana waxa weeye inay wasaaraddu hesho xogta ay uga baahan tahay shirkadaha isgaadhsiinta si ay u maamuli karto shirkadaha, marka labaad-na in la xaqiijiyo oo la fuliyo isla markaana la hubiyo cashuuraha laga doonayo shirkadaha isgaadhsiinta , cashuurahaasi waa cashuuro kala duwan , qaarna waa cashuuro laga qaadi doono dakhligooda qaarna waa kirooyin, sidoo kalena waxay xeer nidaamiyaha ujeedadiisu tahay in la adkeeyo xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxeeya shirkadaha isgaadhsiinta iyo wasaaradda oo ay kamid tahay in la hirgeliyo isu furkii shirkadaha oo iminka ay shirkada waliba gaarkeeda u taagan tahay iyo in la xoojiyo awood kor joogeed ee wasaaraddu u leedahay inay shirkadaha ku qabato “Ayuu yidhi Wasiirku

Geesta kale wasiirka isgaadhsiinta ayaa sheegay in ay wasaaraddu helayso dhamman-ba call –ka iyo farriimaha ay ku wadaageen bulshadu khadadka telefoonada “ Markaa xeer nidaamiyuhu wuxuu sheegayaa in marka koobaad la hubiyo tayada adeegyada isgaadhsiinta ay bulshadu helayso, in wasaaraddu ay hesho tirakoob dhaq-dhaqaaqyada isgaadhsiinta, haddii ay noqoto codad ama qof hadlay oo qof kale la hadlay iyo haddii ay tahay macluumaad(data) uu iibsaday iyo wixii kale ee soo raaca, markaa in aan helno imisa Call ayaa maanta dhacay? imisa fariimood ayaa la isku diray.”

 

warmaal news

Xafiiska Hargaysa

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*