HORDHAC: Manchester United vs Barcelona – Rikoodhka Kulamadoodii Hore, Shaxda Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhaawacyada Iyo Ganaaxyada Labada Kooxood

Kulanka ugu weyn wareegga siddeed dhamaadka Champions League ayaa soo baxay markii ay si isku xigta dhalooyinka nasiibka uga soo baxeen Manchester United iyo Barcelona.

United ayaa caawa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa Barcelona oo lugta hore ay albaabada iskugu xidhan doonaan gegida xamaasadda ee sida quruxda badan loogu qaabeeyey in daawadeyaashu ay si isku cabbir ah u daawadaan dusha sare illaa sakadda ugu hoosaysa.

Barcelona ayaa wareeggii 16-ka kusoo jiidhay kooxda reer France ee Lyon, halka Manchester United ay kasoo dul-tallaabsatay PSG oo lugtii labaad ay ku garaacday magaalada Paris.

Manchester United iyo Barcelona waxay taariikhdooda iskaga hor yimaaddeen 11 jeer tartamada Yurub, waxaana ay haystaan natiijooyin isku dhow. Barca ayaa badisay afar ka mid ah kulamadaas, halka Manchester ay saddex guulood ka haysato, afarta kalena barbar-dhac ayay galeen.

Sannadihii 2009 iyo 2011 ayay Barcelona iyo Manchester United iskugu yimaaddeen finalka Champions League waxaana labadaba koobka qaadatay kooxda reer Spain oo uu Lionel Messi ahaa hoggaamiyahooda niyadda ka jabiyey kooxda reer Ingiriis.

Laakiin sannadkii 2008 ayay Manchester United labadii lugoodba ku garaacday Barcelona oo ay isku haleeleen semi-finalka Champions League, waxaana illaa hadda xasuusta ku jirta gool uu dhaliyey Paul Scholes oo kooxdiisa ugu diray finalka oo ay ugu dambayn koobka ku qaadatay.

Arrinta muhiimka ah ee ay tahay in qof kastaa ogsoonaado ka hor kulanka caawa ayaa waxay tahay, in Barcelona ay tahay kooxda guul-darradii ugu weynayd ee Champions League u geysatay Manchester United, waxaana xili ciyaareedkii 1994-95 ay kooxda reer Spain ku adkaatay 4-0 oo ay isku beegmeen marxaladdii groupyada, hase yeeshee, waligeed Barcelona guul kuma helin garoonka Old Trafford, waxaana afar jeer oo ay timid laba ka mid ah guuleysatay Manchester United, halka labada kalena barbar-dhac galeen.

Bandhig ciyaareedka labada kooxood ee tartanka Champions League ee lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa ah mid kala fog. United waxay guuleysatay saddex jeer, saddexna waa laga badiyey, laakiin Barcelona ayaa haysata saddex guulood iyo saddex barbar-dhac ah.

Xogta Kulanka:

Ciyaarta: Manchester United vs Barcelona

Tartanka: Lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League

Waqtiga: 10:00PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford, Manchester, UK.

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

United ayaa heshay farxad ka hor ciyaarta Barcelona, waxaana Salaasadii ay xarunteeda tababarka kusoo dhoweysay Marcus Rashford oo ku dhaawacmay ciyaartii Wolves iyo Alexis Sanchez oo muddo garoomada ka maqnaa.

Nemanja Matic, Ander Herrera, Eric Baily iyo Antonio Valencia ayaa dhamaantood ka maqnaa tababarkii Salaasada, diyaarna uma in kulankan muhiimka ah ay kusoo laabtaan oo ay caawiyaan tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Matic ayaa kaydka fadhiyey oo aan la ciyaarsiinin kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, laakiin waxa caawa booskiisa istaagi doona Scott McTominay oo kalsoonida tababaraha ku helay bandhiggii cajiibka ahaa ee uu muujiyey kulankii PSG.

Paul Pogba oo ganaax ku maqnaa ciyaartii PSG ay guusha kaga soo gaadhay United ayaa dib ugu soo laaban doona safka koowaad, waxaana uu caawin doonaa Romelu Lukaku oo si adag iskugu diyaariyey kulankan.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa soo dhoweysay Ousmane Dembele oo taam u noqday kulankan laakiin tababare Ernesto Valverde ayaa tibaaxay in aanu mar kale khatar u gelin doonin weeraryahankiisan sidii uu sameeyey ciyaartii Lyon.

Haddii uu Dembele lagu soo bilaabo, isbeddelka kaliya ee ku iman kara shaxdii Barcelona ay kula ciyaartay Atletico Madrid Sabtidii ayaa noqon doona in Philippe Coutinho laga tuuro safka hore oo uu da’yarka reer France booskiisa qaato.

 

Lionel Messi oo goolal ka dhaliyey Manchester United labadii final ee ay iskugu yimaaddeen, koobkana u hibeeyey kooxdiisa ayaa hoggaamin doona safka Barcelona, waana khatarta ugu weyn ee ay waajahayso Man United maadaama uu xiddiga reer Argentina dhaliyey 26 gool 22-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu saftay.

 

Arrimaha walaaca ku ah labada kooxoodba waxa ka mid ah in Herrera, Matic, Luke Shaw, Valencia, Ashley Young iyo Nelson Samedo ay seegi doonaan ciyaarta dambe haddii ay kaadh qaataan kulankan laakiin xiddigaha reer Manchester ee digniinta haysta ayay intooda badan dhaawacyo ku maqan yihiin.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Man United:
De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; McTominay, Matic, Pogba; Lingard, Lukaku, Rashford

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suarez, Coutinho

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*