Sudan: Al-Bashiir ka dib maxaa xigi kara?

Taliska Milatariga Suudaan ayaa maanta shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir

Wasiirka gaashaan dhigga ee Sudan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.

Dhanka kale Cawad wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xiran arrimaha siyaasadda.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Suudaan Cumar Al-Bashiir waa macalinka xeeladaha, laakiin dhaqdhaqaqa xooggan ee mucaaradka oo loo dhan yahay, waa wax ka wayn wixii uu horay u soo wajahay , sidaa waxaa qoray Alex de Waal oo ku xeel dheer arrimaha Suudaan.

Dibbad-baxyo looga soo horjeeday xukuumadda Madaxweyne Bashiir ayaa gaaray halkii ugu sarreysay taariikhda markii ay ku beegnayd 6-da Abriil, taas oo ah sannad-guuradii ka soo wareegtay markii uu dhascay afgambigii uusan dhiigga ku daadanin ee xilka looga tuuray kaligii taliyahii hore Jaafar Nimeiri 1985.

Markii ugu horreysay waxay dibbad-baxyada ka billowdeen magaalada waqooyiga ku taalla ee Atbara 19 December 2018-kii.

Kacdoonka waxaa diiradda lagu saarayay qiimaha cuntada oo aad u sarreeyay, islamarkaana si dhaqso ah ayuu ugu fiday gobollada iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla Sudan.

Qorshaha dibbad baxyada ayaa is badalay ayagoo xooga saaraya duruufta dhaqaale ee adag ilaa ay isku badaleen dalab ku aaddan in madaxweyne Bashiir, oo xukunka qabtay June 1989-kii uu xilka ka dago.

Dibbad-baxyada ayaa socday muddo afar bilood ah, iyaga oo sii kordhaya tiro ahaan, waxayna ayaaheen kuwo aan wax rabshad ah gaysan.

Sida laga soo xigtey dadka tiro koobka sameenayay, inta u dhexeysa 45 ilaa 60 qof ayaa la dilay, waxaana dilay ciidamada dawladda ee ku sugnaa goobaha ay dibad-baxyada ka dhacayeen, boqollaalna waa la xidhay – kuwaasoo qaarkood la jirdilay.

Aan milicsanno Cumar Al-Bashiir

Image captionAl-Bashiir ayaa Suudaan xukumayay ku dhawaad 30 sano

– Waxuu ka dagaallamay Masar markii uu socday gadaalkii u dhaxeeyay Carabta iyo Israa’iil sannadkii1973-kii.

– Waxa uu awoodda ka qaaday islaamiyiinta xagjirka ah ee suudaan 1989-kii.

– Wuxuu magangelyo siiyay hoggaamiyahii hore ee al-Qaacida Usaama bin Laadin markii ay taariikhda ahayd 1990-yadii

– Waa hogaamihii ugu horeeyay ee la eedeeyay lana hor geeyay maxkamadda ICC sanadka 2009, laakiin beeniyey eedeymaha dambiyada dagaal ee Darfur uu ka gaystay.

– Waxuu heshiis nabad la galay mucaaradka kooforeed 2005-tii

– Wuxuu goob joog u ahaa kormeerkii lagu samyeeyay koofurta suudan 2011-kii, taas oo keentay in Sudan ay lumiso saddex meelood meel hantida saliidda ay leedahay.

– Noloshiisa gaarka ah waxba lagama oga. Wax caruur ah namuusan dhalin.

Mudane Bashir ayaa sheegay in uu sii joogi doono xafiiska illaa iyo inta ay ka dhammaanayso mudadiisa madaxweynenimo, dib uusan ugu tartami doonin doorasho madaxwaynimo.

Laakiin balanqaadyadiisii waxay u muuqdeen kuwo aan kalsooni lagu qabi Karin .

Awoodda tirada dadka dibbad-baxyada sameenayay

Kooxaha hogaaminayay mudaharaadyada ka dhacay suudan waxay ahaayeen ururka xirfad layaasha iyo qaar ka mida ah mucaaradka, waxay noqdeen kuwo aad isku nidaamiyay oo gaaray meelo farabadan oo ay ka mid tahay wasaarada gashaandhigga, xarumaha ciiddanka iyo waliba madaxwayna halka uu dagan yahay iyo goobo u dhaw garoonka diyaaraddaha.

Iyagoo marba koox koox isku badalaya ayay habeen iyo maalin mudaharaadyo ka fulin jireen goobahaas, tiradooduna way sii kordhaysay marba marka kasii danbeeysa, wayna sii xooggaysanayeen.

Waxay yiraahdeen waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno cid walba laakiin mudane Al Bashiir diyar uma nihin inaan la hadalno.

Ol’olaha difaaca uu madaxwaynaha sameeyay

Madaxwayne Al-Bashiir ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo mudaharaadyada, laakiin aragtida ah sida lagu fulin lahaa amarkan ayaa lagu kala duwanaaday.

Hogaamiyayaasha ciidanka ayaa isku dayay inay ka fogaadaan inay wax yeello u gaystaan shacabka mudaharaadayay, laakiin qaar ka mid ah madaxda amniga ayaa diyaar u ahaa inay shacabka u adeegsadan hub si ay u joojiyaan mudaharaadka.

Ugu yaraan hal mar ayay ciidamada amniga shacabka mudaharadayay ku fureen xabado, halka qaar kalena ay isku dayeen inay shacabka xabadahaas ka badbaadiyaan, waxaana lasoo sheegay in mararka qaar ciidan ka dhexdooda ay xabado isku fureen.

Qaar ka mid ah ciidanka ayaa ku biiray dibbad-baxayaasha, sida ay warbaahinta soo tabiyeen.

Ka fogaanshaha inuu dhaco xasuuq

Waxaa jirtay cabsi xooggan oo laga qabo inuu dhaco xasuuq, labada dhinac ba way og yihiin waxa ka dhalan kara arrinkaan.

Image captionCiidamada qaarkood ayaa lagu eedeeyay inay shacabka rasaas ku fureen

Qodobka kaliya oo aanay dalban garabka mucaaradka ayaa ah in Mudane Al-Bashiir la hor geeyo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka(ICC), halkaas oo uu ku wajigihi karo in lagu qaado dacwado ku saabsan eedaymihii Daarfuur oo15 sanno ka hor lagu soo oogay .

Natiijada ayaa ah in dhiig badani uu daatay, mida layaab ka leh ayaase ah in isla xisaabtanku uu noqday mid hooseeya , taasina Al-Bashir waxay dhigi doonta meel aan kasoo laabasho lahayn.

Kadib markii Luis Moreno Ocampo uu dalbaday in mudane Al-Bashiir ay maxkamadda caalimagi ah ku xukunto xarrig 2008-dii, halka meel oo amaanka u ah inuu Al-Bashiir joogo ayaa ah qasriga madaxwaynaha ee ku yaalla magaalada Khartuum.

Al-Bashiir ayaa ah nin sii gaboobaya waxa uuna dhawr mar ka dhawaajiyay inuu xukunka ka dagi doonno, laakiin arrinkan ma aysan jirin cid damaanad qaad u haysay.

Awoodda Al-Bashir waxay salka ku haysay ciidanka xoogga; sanado badan ayuu dhisayay waxuu na la lahaa xiriir xooggan oo kalsooni leh.

Cabsida laga qabo inay dilaacaan dagaalo sokeeye

Cabsida ugu wayn ayaa ah in haatan aysan suudaan lahayn wax ciidan amaan ah oo midaysan.

Wadanka waxa uu lahaa labo kooxood oo kasoo horjeeda hogaamiyashaasha militariga ee kala ahaa Janaraal Ibrahim Cabuud 1964kii iyo Nimayri 1985kii, waxayna wadeen kacaan nabadaysan oo aan wax qalalaase ah dhalinin.

Image captionMudaharaadyada ayaa sii xoogeystay maalmihii dambe

labadii kacdoon ee looga soo horjeeday raggaas waa lagu guulaystay, waxaana kacaannadaas nabadaysan guusha u suurta galiyay maadaama ciidamadu ay la safan jireen shacabka.

Maanta arrinka taas wuu ka duwan yahay. NISS, oo uu hoggaaminaayay Janaraal Salax Goosh oo ah hogaamiye aan naxariis lahayn, ayaa leh awood xooggan oo dhanka caasimadda ah, waxaana jira kooxo badan oo xiriir la leh dawladda oo iskugu jira boolis iyo militari asal ahaan ka so jeeda Daarfuur, iyo sidoo kale kooxo islaamiyiin ah.

Mid kasta oo ka mid ah qolyahan waxuu leeyahay awood u gaar ah oo uu wax ku maamulo, qaar waxay leeyihin hanti iyaga u gaar ah halka kuwo kalena ay xiriir la leeyihin dalal shisheeye.

Cabsida ugu xun ee la qabo ayaa ah maadaama uu meesha ka baxay in kooxahan ay wadanka isku qabsadaan halkaasna uu ka dilaaco dagaal sokeeye.

Cabsida laga qabo inay dhacdo fawdo la mida tii ka dhacday Liibiya, Suuriya iyo Yemen, ayaa awoodaha reer galbeedka ka dhigtay kuwo foojigan, diiraddana saarayo xasiloonida

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*