Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Muqdisho iyo baabuur dagaal oo lagu gubay + Sawirro

 12 april 2019 Muqdisho (warmaal news) –

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan militariga iyo booliiska Soomaaliya oo ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Maanabooliyo iyo Beexaani ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan milateri ah oo ka yimid shabeelada dhexe gaar ahaan Balcad loo diiday in ay ka soo gudbaan kontarool ku yaalla Beexaan.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay u sheegeen in lagu amray in aysan soo soo gudbin wax ciidan, islamarkaana aysan amar u heysan in ay sii daayaan, waxaana taasi ka biyadiiday ciidanka milatariga, ayada oo kadibna rasaas la isku billaabay.

Sarkaalka ciidamada milateriga hogaaminayey waxaa uu ahaa taliyaha aagga deegaanka Biya Cadde balse dhawaan ayaa loo soo wareejiyay deegaanka Haansheekh ee duleedka Balcad.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ciidamada milatariga ayaa laga gubay hal baabuur oo nooca Cabdi Bile ah oo ay wateen.

 

 

warmaal news
Xafiiska Muqdisho

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*