Xog : Maxay tahay sababta loo dilo darawalada Bajaajka ee Muqdisho?

Labo askari oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo joogay bar-koontarool oo ku taalla isgoyska degamada Howl-Wadag ayaa dil u geystay labo wiil oo ahaa darwalada bajaajleyda ee ka xoogsatada magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal BBC la hadlay ayaa sheegay in dilka loo geystay wiilka koowaad uu ka dhacay meel u dhow isgoyska wadada Howl-Wadaag.

Dilka ayaa dhacay kaddib markii askarigu uu u sheegay wiilka waday bajaajta inuu dib u laabto, balse wiilka geeriyooday ayaa la sheegay inuu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalay nawaaxigaasi.

Cabdulaahi Maxamed Cismaan, oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysato bajaajta ayaa BBC u sheegay in wiilka geeriyooday iyo askariga uu hadal dhexmaray.

”Askariga ayaa u sheegay wiilka geeriyooday inuusan mari karin wadada balse maadaama xaafada uu deganaa wiilku uu doonayay inuu gurigiisa galo”. Ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Cismaan oo bajaajle ah

isna sheegay in xaafadiisa ay ka dhawdahay hakaasi.

Balse askariga ayaa ku adkeystay in uusan u gudbi Karin dhinaca kale sidaasi ayuuna ku dhacay dilku.

Dilka wiilka labaad ee isna bajaajlaha ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka tagay goobta dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in askari kale uu xabad ku dhuftay.

Dilka labada wiil ee bajaajleyda ah kaddib ayaa waxaa si degdeg ah ku bilwoday dibadbaxyo wato rabshado kuwaasi oo ay dhigayaan darawalada bajaajta iyaga oo codsanaya laamaha amaanka in askarta dilka geystay lasoo qabto.

Dibadbaxyada oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysato bajaajta ayaa haatan ka soconaya Wadada Wadnaha, waxayna si weyn uga careysan yihiin dilalka xaddhaafka ah ee marwalba loo geysto dhalinyarada ka xeyso bajaajta.

Dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ayaa mar walba ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dil 1 bishan April loo geystay wiil bajaajle ahaa, kaasi oo dhaliyay dibadbaxyo xooggan oo sababta in wadada KM4 ay xiraan.

.
Image caption.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo muuqaal iska soo duubay ayaa xiligaasi cambaareeyay dilka darawalka mooto bajaajka, waxaana uu ku amray Ciidamada ammaanka in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilkaasi ka dambeeyay.

“Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan, Si nabad ah aan shucuurteenau muujino, Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa horey ula kulmay dhalinyarada bajaajleyda ah kuwaasi oo dibadbaxyo sameyneysay kaddib markii sidaan oo kale askari ka mid ah ciidanka uu dil u geystay wiil bajaajle ahaa.

Waxyaabaha sababa dilalka ay askartu u geystaan dhalinyarada ku shaqeysato gaadiidka bajaajka ayaa la sheegayaa inay ka mid ah yihiin wadooyinka oo xiran.

.Lahaanshaha sawirka.
Image caption.

In badan ayaana sidoo oo kale dhalinyaradu waxa ay sameeyeen dibadbaxyo, waxaana la hadlo oo dejiyo maamulka gobolka Banaadir.

Abuukar Axmed Abuukar oo ka mid ah dhalinyarada bajaajleyda ha ayaa BBC u sheegay in inta badan dilalka ayaa dhaca marka ay dhalinyaradu soo gaaraan goobaha bar-koontaroolada ah ee askartu fadhiso.

”Dhalinyarada bajaajka markay wadaan sameecado ayaa dhagaha ugu jiro qaarkood, ninka askariga ahna waa uu baqayaa marka markii uu joojiyo yiraahdo haddii uusan maqlin xabad ayuu ku dhufanayaa”. Ayuu yiri Abuukar

Bilii lasoo dhaafay, waxaa aad u batay dhalinyarada ku xamaalato bajaajka ee ku dhinta gacanta askarta dowladda.

Sikasataba, ciidamo ka tirsan booliska ee geysta falalka dilka ayaa baxsado, mana dhacdo in inta laso qabto la horgeeyo cadaaladda.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*