Maxay Somaliland U Aqbashay warqadii loogu safri jiray Somalia?

Xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa aqbashay Warqadda Go Home oo ay joojisay muddo ku siman sanad ka hor sida uu ku warramay wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan telefishanka Goobjoog.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay soo celinta adeegsiga warqadda Go Home ee Soomaaliya loogu noqdo laakiin, waxa jira hoos u dhac laga dareemay madaarka Hargeysa oo ah kan kaliya ee Somaliland ka shaqeeya.

Waxa la sheegay in shirkado dhawr ah oo diyaaradeed joojiyeen duullimaadyadii ay samayn jireen sidoo kalena ay hoos u dhac weyn ku keentay cid kasta oo ku lug leh adeegyada madaarka iyo macaamiishiisa.

Dadka doonaya in ay tagaan Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah ayaa baabuur u raaci jiray magaalada Garoowe si ay halkaasi diyaarad uga raacaan taas oo la wareegtay camirnaantii Madaarka Hargeysa waxaana la rumaysan yahay in taasi kalliftay ogolaanshaha warqaddan.

muda ka hor  xisibiga mucaaridka  ee Waddani  aya bulshada lawadagay  in   mdadarka   CIGAL uu qarka usaaran yahay inuu xidhmo

Soomaaliya ayaa iyaduna dad badan ka jeexjeexday basaboorradooda markii uu ku dhacay dal ku galka Somaliland taas oo saamayn ku yeelatay dadka u kala goosha Muqdisho iyo Hargeysa.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*