Ujeedada Safar Madaxwayne Muuse Biixi Saaka Ku Tagay Magaaladda Berbera.

15 april 2019 Berbera (warmaal news)

Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd safar shoqo ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxwaynaha ayaa subaxnimadii hore ka jarmaaday madaxtooyadda waxaana ujeedada socdaalkiisa la xidhiidhinayaa in uu xadhiga ka soo jari doono qalab cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Barbara.

Sidoo kale Madaxwayne Muuse Biixi waxa la Qorsheeyay in uu la kulmo laqaato waxgaradka, Odayaasha, iyo Aqoonyahanka gobolka saaaxil oo la filayo in dhinac walba dareenkiisa u gudbin doono.

Sanadihii u danbeeyay ila intii shirkada DPwolrd heshiiska la gashy Somaliland waxaa siwayn looga dareemayay bulshada reer Saaxil qawad ay diidan yihiin sida wax loo maamulay marka lagsoo bilabo heshiisyadii xukuumadii siilaanyo la gashay dp worldoo intooda badanbulshadu u fasiranayasay kuwo qarsoodi ahaa oo umada laga qarin jiray, Waxaana bulshada reer saaxil u arkayeen heshiiskasi midshaqsiyaad dabada ka riixayeen oo dano shaqsi ah laga lahaa, laakiin waxa hada muuqata in waxooga isbdel ah ama rajo soo muuqato oo qodabadii lagu heshiiyay qaarkood bidhaamayan.

warmaal news

xafiiska Hargaysa

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*