DEG DEG: Amisom oo qarax culus lagu eegtay Muqdisho iyo rasaas xooggan oo ay ku fureen shacab

15 april 2019  Muqdisho (warmaal news) –

War hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in qarax xooggan ciidamada Amisom lagula eegtay isgoyska Ex-Control Baclad ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warmaal news u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino dulka lagu aasay oo haleeshay kolonyo babauur ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidaamda Amisom kasoo gaaray qaraxa, hase yeeshee dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada Amisom kadib qaraxa.

wixii warara  ee kasoo kordha qaraxa kala soco  warmaal news

warmaal news
Xafiiska Muqdisho

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*