Muxuu Madaxweyne Biixi Dhegaha Uga Furaystay Cabashada Siyaasiga Ah Ee Haweenka Somaliland?

Mar kasta oo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isku shaandhayn ku sameeyo masuuliyiinta xukuumaddiisa ama soo kordhiyo xilal cusub waxay bus kicisa dareenka haweenka ee ku aaddan ka qayb galka siyaasadda kuwaas oo marka ay iska dhex waayaan dareen diidmo ah ku muujiya baraha bulshada.

Xarunta daraasaadka siyaasadda ee Center For Policy Analysis (CPA) ayaa warbixin ay diyaarisay waxay xustay in golaha wasiirrada Somaliland oo dhan 32 wasiir ay ku jiraan kaliya 3 dumar ah. Sida oo kale ma jirto haweenay kaliya oo madax ka ah hay’adaha madax bannaan ee dawladda. Waxa kale oo aan jirin gobol kaliya oo haweenay badhasaab ka tahay.

CPA ayaa kadib isku shaandhayntii dorraad ee madaxweyne Biixi waxay tilmaantay in Dastuurka Somaliland dammaanad qaaday in haweenka la dooran karo lana magacaabi karo meeshana ka saaray kala sarayn jinsi ku dhisan. Sidaas awgeedna ay tahay in la aqbalo in haweenku siyaasadda ka qayb galo.

Sida oo kale haweenka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dumarku helaan masuuliyiin dumar ah oo metela kuwaas oo fahmaya baahida haweenka iyo siyaasadda iyo shuruucda kor u qaadaysa noloshada haweenka.

Dhinaca kale shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsaday magaalada Boorama madaxweyne Biixi oo metelaya guddoomiyaha xisbiga iyo madaxweynaha xukuumadda ayaa su’aalo lagu sheegay isla xisaabtan la waydiiyay. Su’aalaha waxa hadheeyay cabashada haweenka ee ku aaddan in iyaga oo soo halgamay aanay doorkooda ka helin xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba xilalka.

Madaxweynaha oo arrintan uga jawaabay haweenay reer Togdheer ah ayaa yidhi “Ta xilka wixii aad qabateen iyo dagaalkii aad gasheen intaba xisbigu wuu idiin ogsoon yahay waana la idiinka mahaqnaqaya; ta xilkana xaq baa u leedihiin oo dhalliisha waxa leh aniga iyo ragga xisbiga kaga jira golaha dhexe, guddida fulinta iyo xukumadda ee reer Togdheer oo hablaha intaa gujinaya.”

Madaxweyne Biixi oo marar badan ammaanay doorka haweenka sidoo kalena sheegay in aanay mararka qaarkood sahlanayn in ay soo gaadhaan maaddaama ay xishoonayaan ma cadda in ay culays saareen dalabyada ragga xil doonka ah iyo in ay jirto siyaasad kale oo uu haweenka ka leeyahay.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*