Monthly Archives: July 2019

“Xukumadda Biixi Waa Mid Aad U Liidata,”Weedhsame

Xukumadda Biixi Waa Mid Aad U Liidata,”Weedhsame Abwaanka caanka ah ee Xasan Daahir Weedhsame ayaa si weyn u dhalliilay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi waxaanu ku tilmaamay mid aad u liidata oo heerkeeda musuqmaasuqu yahay mid sarreeya. Waxa uu sheegay in dawladda Kulmiye noqotay mid aan sidaas la moodayn. “Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waa mid aad u liidata oo ka madhan ...

Read More »

Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay

Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa waji gabax kala kulmay dadweyne u badnaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo ka soo qayb galay bandhig faneed xukuumadu dabada ka riixaysay oo fanaanka BK ku qabtay garoonka Hargeysa Stadium. Maayarka Hargeysa oo uu wehelinayo badhasaabka gobolka Maroodijeex oo dhaliilo badani dul hoganayaan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ...

Read More »

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhey Ceerigaabo +[ Ujeedkiisa ]

Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Inkasta oo aan taliyuhu ka hadal socdaalkiisa haddana Ilo xogogaal ah ayaa ii sheegay in taliyuhu halkaas u tegay dhamaystirka wadahadala Odayaasha Sanaag gadh wadeenka ka yihiin ee la doonayo in lagu heshiisiiyo xukuumadda Somaliland iyo taliyaha Jabhadda samaystay ee kornayl Siciid Cawil Caarre.

Read More »

Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladooda oo lagu dilay Sh/ Hoose

Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn khasaaro geysatay ay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Kuunyabarow ee gobolkaasi. Sida la sheegay duqeyntani ayaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan oo Al-Shabaab , xilli uu ...

Read More »

Kooxo hubeysan oo shacab ku laayey gobolka Shabeelaha Dhexe

Jowhar (warmaal news ) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar lagu laayey dad rayid ah uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Dadkan oo la socday gaari rakaab ah ayaa la rasaaseeyey, xilli ay marayeen tuulada Xaanshooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sida ay wararku sheegayaan dhacdadan aya timid, kadib markii ...

Read More »