Dagaal culus oo lagu hoobtay Oo Ceel Aweyn Ka Dhacay

Dagaal culus oo lagu hoobtay Oo Ceel Aweyn Ka Dhacay

Dhimashadii Ugu Naxdinta Badnayd Oo Shalay Ka Dhacday Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Labadii Beeleed Ee Halkaasi Wada Deganaa Oo Markale Dhiig Badan Iskugu Fool Dhaqay.

Karamaan(Sayruuq) – Dagaal culus oo lagu hoobtay ayaa Shalay mar kale dhex maray labadii beelood ee Walaalaha ahaa ee Wada dega Deegaanka Ceel Afweyn, waxaana la soo sheegayaa dhimasho badan, dhawac iyo maxaabiis lakala qabsaday.

Degaanka Karamaan Oo ka Tirsan Degmada Ceel Afwayn Ee Gobolka Sanaag Ayaa Laga Soo Sheegaya inuu Dagaal Ka Dhacay islamarkaana si foolxun saacado badan loogu dagaalamay.

Waxaana Dagaalkasi Dhexmaray Labadii Beelod Ee Hore Ugu Dagaalamay Degmada Ceel Afwayn. Ma Jiro Wax War ah Oo Ka Soo Baxay Labada beelood Ee Ku Dagaalamay Degaankasi Karamaan iyo Xukuumadda Somaliland-ba, Laakin sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka Ceel Afweyn Waxaa Jira Dhimasho Gaadhayso 9 Ruux Halka Dhawaacna Aan La Xaqiijin. Sidoo kale Waxa lasoo sheegayaa Maxaabis ay labada dhinac kala qabsadeen.

Dhinaca Kale Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Ku Sugan degmada ceel afwayn ee gobolka sanaag ayaa ku baxay goobta uu ka dhacay dagaalkasi waxaanay wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidankii ku sugna degmada ceel afwayn gabi ahaanba la geeyey degaanka karamaan si ay ukala dhex galaan beelahaa halkaasi ku diriraya.

Xigasho:Foore

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*