Sweden Oo Xidhaysa Masjid Soomaali Ku Muransan Tahay

Waddamada Galbeedka waxaa ku soo kordhaya khilaafka ka dhexdhasha maamulada Masaajida ay Soomaalid gacanta ku hayaan. Khilaafkan ayaa u badan dalalka waqooyiga Yurub,siyaasadda wadamadan u dagsan ayaa ah in masuuliyadda Masaajidada ay hoos tagaan ururo ka diiwaan gashan halkaas oo u dhisan hab Dimuqraadiyadeed doorasho loo sameeyo.

Waa wax iska caadi ah bulshooyinka in la’isku maandhaafo arrimaha meel la maamulayo, balse marka ay timaado goob cibaado, misane meesha ay timaado arrin qabiil, waa arrin qeyru caadi ah.

Arrin tan la xiriirta waxa ay ka dhacday xaafadda Biskopsgården ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, halkaas oo masaajid ku yaala uu qarka u saaran in albaabada laysugu dhufto kadib markii muran iyo gacan qaad uu dhex maray masuuliyiinta haya maamulka masaajidkan oo u kala qeybsan laba garab.

Muranka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo sidii maamulka masaajidka loogu qeybsan lahaa awood qeybsiga beelaha ee 4.5-ta loo yaqaano, kaas oo ku salaysan abtirsiimada beelaha, kaas oo ay hadda ku dhisantahay dowladda Soomaaliya ka jirta.

Cali Yare Gaani oo arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa, goobjoogna ka ahaa dhacdada ayaa BBC-da u sheegay sababta la’isu heysto “haa waa run way jirta in 4.5 lagu qeysado awooda layskuna haysto,masajido badan ayaa jira oo maamulkooda lagu saleeyay 4.5, Dadkan meesha isku haysata noloshaydii ma arkin hada kadibna illaahay ima tuso,sababtoo ah dad aan Aakhiradooda ka fakarayn,Ummada ka fakarayn,foolxumda kafakarayn,foolxumada Muslimiinta ku dhacaysa ka fakarayn,labada nin waxay ku kala tageen waa bala in aan xidho iyo in aan xidho,ayaa laba kooxoon u kala safan tahay,sumcad xumo waan ka dharagnay,Soomaali baa qabiil isku haysata ayaa la qoray”.

Qaar ka mid ah warbaahinta waddanka Sweden ayaa soo bandigay sawirro booliska dalkaas oo gudaha u galaya masaajidka si ay u joojiyaan buuqa ka dhex taagan culimada Soomaalida ee ku dhex dagaalamaya gudaha masaajidka.

Taariikhda Masaajidka iyo muhiimadiisa

Masaajiddan waxa ku tukada boqolaal Muslimiin ah oo ay Soomaalidu u badan tahay,waxaa sidoo kale ku yaala goobo carruurta loogu dhigo Quraanka,waxa loo isticmaali jiray hawlaha muhiimka ka ah sida xalinta khilaafaadka qoysaska,caawinta bulshada Soomaalida dalka iyo dibad.

“Masaajidkan waxaa la bilaabay bilowgii 1990 kii,markii hore waxan ku bilownay goob yar,Soomaalidu way ku yarayd waagaas Gothenburg ama Sweden,markii Muslimkii soo batay ayaan u wareegnay goob markii hore ahaan jirtay caweys khamrada lagu cabbo oo nagu dhaganayd ayaa qoladii iska lahayd ka baxday,sidaas ayaan ku balaarinay masaajidka,waxay noqotay goob qurxoon oo xaafadda iyo Muslimkuba ku faa’iiday” sidaas waxa BBC-da u sheegay Cali yare Gaani Cabdi oo kamid ah dadka xaafadaas daganaa waqtiga badan kana mid ah xubnaha ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Arrinkan waxa soo dhex galay maamulka degmada iyo ka gobolka kadib markii xalinta arrinkan uu ka gudbay Soomaalida dhexdeeda

Khilaafka masaajidkan waxa uu soo jiitamayay mudo ku dhow afar sanno,waaxda maamusha guryaha ee magaalada Gothenburg ayaa soo saartay warqadii ugu danbaysay ee lagu shaaciyay in ay tahay waqtigii la xidhi lahaa Masaajidkan,hadii hal dacwad oo danbe ay soo gaarto laamaha dawlada.

BBCSOMALI

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*