Suldaan Caddagude Oo Ka Hadlay Kulanka Caarre

Suldaan Caddagude Oo Ka Hadlay Kulanka Caarre

Guddoomiyaha guddida beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Caddagude ayaa ka hadlay ifafaalaha ka soo bixi kara kulan dhex maray hoggaanka dhaqanka ee beelaha Garxajis iyo Kornayl Caarre. Kulanka odayaashu ugu tageen Kornaylka ayaa ah dhexdhexaadin laga dhex wado isaga iyo xukuumadda madaxweyne Biixi.

Suldaan Caddagude oo wargeyska Geeska Afrika la hadlay ayaa yidhi “Imika meel wanaagsan bay wax marayaan illaahay idamkiina inay wax walba wanaag inoogu dhammaadaan baanu rajaynaynaa, waxaan rajaynayaa in ay wax walba khayr inoogu dhammaadaan,”

Shalay ayay warbaahinta iyo baraha bulshadu si weyn u faafiyeen sawirrada kulanka madaxda dhaqanka iyo kornayl Caarre.
Degdeg: Faahfaahin Wada Hadalka Caarre

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*