Maamulka G/Banaadir oo damaanad qaaday bixinta mushaarka agoonta dadkii ku dhintay qaraxii gobolka

Muqdisho (warmaal news) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dammaanad qaaday in aan la joojin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda Hoose, si loogu daryeelo agoontii ay ka tageen.

Sii-hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeen maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere)  oo kulankaan  garab istaagga  ah  u sameeyey agoontii ay ka tageen dadkii ku shahiiday Qaraxii argagixiso ee 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, ujeedada kulanka ayaa aheyd in lagu muujiyo sida maamulka Gobolka ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo dareelka agoontaas.

Sii hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xog wareysi uu ugu kuurgalayey xaaladda agoonta mid mid ula yeeshay carruurta kulanka loo sameeyey, mudane Ibraahim Dheere ayaa  mar kale uga tacsiyaddeeyey agoonta in waalidiintooda ay ku dhinteen iyagoo u adeegaya ummaddooda, taasna ay sharaf iyo cisi u tahay iyaga iyo caa’illadooduba.

Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa sheegay in inta uu joogo xafiiska uu dadaal xooggan ku bixin doona joogteynta daryeelka Agoonta, isla markaana ay si wadi doonaan bixinta  mushaaraadkii ay qadan jireen waalidiinta Agoontan.

Tallaabadan ayaa ah mid ugub ah, tan oo masuuliyad gaar ah saareysa dhammaan masuuliyiin kala duwan ee dowladda gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

Agoonta kulanka ka soo qeyb-gashay ayaa soo dhoweeyey tallaabadan kuna tilmaamay mid muujineysa beni’aadannimo danqasho, loona baahan yahay in cid walba oo masuul ah ay sidaas oo kale u qaaddo tallaabooyin lagu daryeelayo ubadkii ay ka tageen dadkii mudada dheer u adeegayey shacabka caasimadda.

 

Xigasho  :  caasimada.online

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*