Wararka

DEG-DEG Dil toogasho oo ka dhacay magaalada Hargeysa

April 8, 2019 Hargeysa (warmaal news) ― Warar uu helaayo warmaal news ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa uu maanta nin hubeysan ku toogtay qof rayid ah. Toogashadan ayaa ka dhacday Xaafada Siinay ee Degmada Axmed Dhagax. Qofkan la toogtay ayaa lagu sheegay magaciisa Mahad Sool Ducaale. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in qofkan la toogtay uu dilay nin ...

Read More »

Sudan: Dibad-baxayaal hor degay guriga Al-Bashiir

Ciidamada milatariga dalka Sudan ayaa lagu daad gureeyey xaruntooda magaalada Khartoum, ayada oo kumanaan dibad-baxayaal ah ay ku boorinayaan inay ku biiraan baaqyada ku saabsan in madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir u is-casilo. Dibad-baxaaysha ayaa waddooyinka magaalada soo buuxiyey maalintii saddexaad oo xiriir ah, ayaga oo iska indha tiraya sunta dadka ka ilmaysiisa oo lagu kala eryayo. Dibad-baxayaasha ayaa tan iyo ...

Read More »

Muuse Suudi: Ma siyaasi sharciga ogol baa mise hogaamiye kooxeed soo rogaal celiyay?

Xildhibaan katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore – Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmahan noqday mid aad loo hadal hayo. Arrintan ayaa timid kadib markii uu ku gacansayray hadal ka soo yeereay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho, Injineer Cabdiraxman Cumar Yarisow oo sheegay in dadka degan dhulkii hore ee ciidammada badda ee Soomaaliya ay baneeyaan. Guddoomiyaha ...

Read More »

Weedhsame Oo Ka Hadlay Khilaafka Jabuuti Iyo Axmed Geelle

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumada Jabuuti ku doonayso in loogu gacan galiyo Ganacsade Axmed Geelle. Abwaan Weedhsame ayaa bulshada xasuusiyay dhacdo fool-xun oo sanadkii 2014kii ay xukuumadii Axmed Siilaanyo dalka Jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo aan weli geeri iyo nolol midna ...

Read More »

Ciidamada DF oo howlgalkii ugu cuslaa ka sameeyay duleedka Muqdisho

April 8, 2019 Muqdisho (warmaal news)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgalkii ugu cuslaa ee noociisa ah ka sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladda ay ka qeyb qaateen baaritaanka. Baaritaankaan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo sanado kadib ciidamada amaanka ay ka sameeyaan deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana baaritaanada oo kale inta badan laga ...

Read More »

Layaab: Qasa oo laga daadgureeyay xayawaankii, dadkiina ku go’doonsanyihiin

Illaa 40 xayawaan oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa laga daadgureeyay kayn xayawaan oo ku taala magaalada Qasa, waxaana loo raray dalka Urdun. Xayawaankan ayaa isugu jira libaaxyo, daanyeero, daa’uus, kashiito iyo noocyo kale. Ka hor intii aanan loo qaadin safarka 300 km ah ayaa lagu muday irmad suuxinta ah, waxaana lasii dhexmarsiiyay dalka Israa’iil oo ah sababta koowaad ...

Read More »

Trump Oo Lumiyay Xubintii Ugu Muhiimsanayd Golihiisa Wasiirada

Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha muranka badan dhaliyay ee gidaarka ayaa xilkii iska casishay.   Haweenayday ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka shaqaynaysay wasaaraddan. Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweenayday uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan. Waxa ay haweenaydan ...

Read More »