Wararka

Akhriso :- Shan Sababood Oo Muujinaya In Aanay Somaliland Ka Qabsoomayn Doorashada Wakiilladu Sannadkan 2019-Ka

159 maalmood, ayaa ka hadhsan wakhtigii loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee dib u dhacu hadheeyey tan iyo 2010-kii oo ay ku eekayd muddo xilkeedkii ay shacabku doorteen. Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah u kordhiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada 21-kii bishii January ee sannadkan, ka dib markii dib u dhac ku yimid ...

Read More »

ethiopia madaxwayne lagu oo xiisad ka abuuray dalkaasi

Addis Ababa (warmaal news) – Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa afgambi fashilmay iyo rabshado ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada. Warbaahinta gudaha ayaa shaacisay in la dilay Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare, kuwaas oo ay toogteen rag hubeysan. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale saaka xaqiijiyay in rabshadahaasi lagu dilay  taliyihii guud ...

Read More »

Taliyihii Ciidamada Itoobiya oo caawa toogasho lagu dilay iyo Afganbi

Addis Ababa (warmaal news) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya afgambi dhicisoobay oo ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi ayaa waxaa lagu toogtay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen iyo saraakiil kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan la jaray qadka isgaarsiinta iyo Internetka ee ...

Read More »

“ Hadii Dagaal Qarxo Iran Waa La Tirtiri…” Madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu doonayn dagaal, hase yeeshee wuxu u digay Iran oo u sheegay in “la tirtiri doono” hadii dagaal qarxo. Waraysi uu siiyey Telefishanka NBC ayuu ku sheegay in Maraykanku wadahadallo diyaar u yahay laakiin aanu aqbali doonin in Iran samaysato hub nukliyeer ah. Waxa uu sidoo kale faahfaahiyey go’aankiisii daqiiqadihii ugu dambeeyey uu ku joojiyey ...

Read More »

Kaamarooyin Tuugada Aqoonsada Oo Lasoo Saaray

Maamulka dukaanka weyn ee alaabada kala duwan laga helo ee Maraykanka kuyaal ee Walmart ayaa xaqiijiyey in ay adeegsanayaan kaamarooyin aqoonsada hummaagyada, si tuugada looga hortago. Kaamarooyinkan ayaa lagu garan karaa alaabta lagu rito dambiisha lagu dukaamaysto ee qofka maqal hayaha ahi aanu iskaanka marin, ama aan la xaqiijin. Walmart ayaa wargayska Business Insider u sheegay in tiknoolajiyaddan cusub loo ...

Read More »

Waddamada Reer Yurub Oo U Hanjabay Turkiga

Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in uu cunaqabatayn ku soo rogi doono dalka Turkiga, waa haddii uu sii wado “qodidda sharcidarrada ah” ee shidaalka iyo gaaska dabiiciga ahi ee uu ka wado meel u dhow biyaha dalka Qubrus ee barigga badda Mediterranean-ka. Hanjabaadan ayaa timid xilli uu shir Midowga Yurub uu uga socdo magaalada Brussels ee dalka Belgum. Madaxa golaha ...

Read More »