Wararka

Abiy Ahmed oo dhex-dhexaadinaya dhinacyada Sudan

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa jimcaha booqan doona magaalada Khartoum si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum. Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda ...

Read More »

“Dawlad Baa Ka Dambaysay….” Weerarkii Imaaraadka Lagu Qaaday

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay “in ay u badan tahay in dad dawlad salka ku haya ay ka dambeeyeen weerarradii lagu qaaday afarta markab ee xeebaheeda ku sugnaa. Weerarradii dhacay 12 bishii Maajo waxay ahaayeen kuwo “farsamadoodu sarrayso oo abaabulan,” sida ay ku sheegay warbixinta ay soo saartay. Isutagga Imaaraadka Carabta ma aysan sheegin ...

Read More »

Booliska Somaliland Oo Xidhay Gabadh U Hanjabtay Maraykanka

Booliska Oo Xidhay Gabadh U Hanjabtay Maraykanka Ciidamada booliska Somaliland ayaa isniintii toddobaadkan xabsiga u taxaabey Nasiima Maxamed Nuur, oo shir jaraaid oo ay Hargeysa ku qabatay ugu hanjabtay dawladdaha Israa’iil iyo Mareykanka. Shirka jaraa’id ee ay qabatay haweenaydani waxba kaga aanay sheegin Somaliland, marka laga soo tago salaan ay u dirtay madaxweynaha iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo ...

Read More »

Cabdirashiid Dahabshiil Oo Falanqeeyay Hadalkii Trump

Cabdirashiid Dahabshiil Oo Falanqeeyay Hadalkii Trump Maareeyaha shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) ayaa ka faallooday xidhiidhka ganacsiga ee Ingiriiska iyo Maraykanka oo madaxweyne Donald Trump sheegay in kor loo qaadayo iyo arrinta ka bixitaanka Britain ee midawga Yurub. Madaxweynaha Maraykanka oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in waddanka Ingiriiska ay u fiican ...

Read More »

Xog: Go’doonka ay ku jirto magaalada Muqdisho oo go’aan cusub laga gaaray

Muqdisho (warmaal news) – Muddo ka badan 60 cisho ayey xaalad go’doon ah ku jirtaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana dhibaato badan ku qaba Shacabka Soomaaliyeed ee deggan gobalka Banaadir, kuwaas oo isu gudbi waayay 60-ka cisho. Magaalada go’doonka ay ku jirto muddada labada bil ah waxaa ugu darneyd bishii Ramadaan ee hadda dhamaatay oo aad loo sii adkeeyay, ...

Read More »

Al-Shabaab oo war kasoo saartay khariidaddii Itoobiya ee laga tiray Soomaaliya

Muqdisho (warmaal news) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay khariidaddii ay soo saaraty wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ee tirtay Soomaaliya islamarkaana ku dartay Itoobiya. Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa cod ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ku sheegay in khariidaddaas ay dowladda Itoobiya ku caddeysatay damaceeda fog ee ay ku dooneyso inay dalka Soomaaliya ku qabsato. Cali Dheere ayaa sheegay ...

Read More »

Dagaalka Sacuudiga ee Xamas: 60 qof oo la xiray iyo xayiraad la saaray Gaza

Riyadh (warmaal news) – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 60 qof oo isugu jira Falastiiniyiin iyo Sacuudiyaan kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka kula jirtay gumaysiga Yahuudda. Wargeyska Al-Akhbaar ee kasoo baxay Lubnaan oo soo xiganaya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta boqortooyada ay wadaan olole ka dhan muwaadiniinta dalkaas iyo dadka Falastiiniyiinta ee ...

Read More »