Wararka

Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in ay hub cusub tijaabisay

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA ayaa faahfaahin kooban bixisay, balse waxay sheegtay in hubkan cusub ay ku xiran yihiin “madaxyo gantaallo oo awood badan”. Arrintan ayaa noqonaysa markii koobaad ee si rasmi ah loo shaaciyo gantaal la tijaabiyay tan iyo markii uu is afgarad la’aan ku dhammaaday wadahadalkii ay yeesheen hoggaamiyaha ...

Read More »

Madaxweyne hore oo gacantiisa isku dilay

Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alan García ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliksa tageen gurigiisa, si ay ugu soo xiraan eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay. Mr García ayaa markii hore loola cararay isbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima. Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra. Dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa isugu tagay ...

Read More »

Dowladda Mareykanka oo soo saartay digniin saameyn karta madaxweyne Farmaajo

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hooraantii bishii Maarso ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale. Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay ...

Read More »

Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo warar hordhac ah oo laga helay

17 april 2019  Muqdisho  (warmaal news) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada. Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Saldhigga Dagmada Waaberi oo ku yaal meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka. Qaraxa ayaa waxaa ...

Read More »

Itoobiya Oo Ruushka La Gashay Heshiis Ay Ku Isticmaalayso Nukliyeerka

17 april 2019  Russia  (warmmaal news)- Dawladda Itoobiya ayaa Shirkadda Tamarta Nukliyeerka Ruushka ee Rosatom la gashay heshiis ay tamarta Nukliyeerka ugu adeegsanayso hab nabadgelyo ku dhisan. Warbaahinta Itoobiya ayaa werisayin heshiiskan lagu kala saxeexday Salaasadii Magaalo xeebeeda Sochi ee dalka Ruushka, waxaana labada dhinac qalinka ugu kala duugay Wasiirka Tiknoolajiyadda Itoobiya Dr-Ing. Getahun Mekuria iyo Agaasimaha Guud ee shirkadda Rosatom Mr.Alexy Liknachev. Sida ...

Read More »

Dalka Baxrayn Oo Dhalashada Kala Laabatay 138 Ruux

Maxkamad ku taalla dalka Baxrayn ayaa xukun xabsi ah ku ridday 139 ruux, waxayna dhalashada kala laabatay dhammaantood marka hal ruux laga reebo, waxay dadkaas ku heshay dacwado argagixiso. Lixdan iyo sagaal ka mid ah dadkaas ayaa lagu xukumay cimrigaa haku furto, kuwa kalana waxaa lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa toddobo sano. Waxaa lagu eedeeyay in ay diyaarinayeen ...

Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaki Galiyey Rajo Ay In Badan Qabeen Shacabka Hargeysa

17 april 2019  Hargeysa  (warmaal news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumaddiisu ay awood u leedahay inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa. Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay Xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer ...

Read More »