Wararka

Milatariga Suudaan Oo Shaaciyey Maxkamad La Saarayo Al-Bashiir Iyo Halka Uu Ku Sugan Yahay

Shir jaraa’id ay qabteen militariga Suudaan ayaa waxay kaga hadleen xaalidihii ugu dambeeyay ee xaaladda dalkaasi xilli militariga ay la waregeen xukunka. Madaxa guddiga siyaaasadda ee militariga Suudaan, Janaraal Cumar Zeyn Al Caabidiin ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan tarxiili doonin. Waxaa uu sheegay in madaxweynihii xilka laga tuuray Al Bashiir uu ...

Read More »

Puntland oo Garowe kaga dhawaaqday dagaal ka dhan ah Takfiirka

 12 april 2019  Garowe (warmaal news)- Maamulka Puntland aya magaalada Garowe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Takfiir, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku badanayay deegaanada Puntland. Wasiirka cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa kaga dhawaaqay magaalada Garowe dagaalka ka dhanka ah kooxda Takfiir oo uu sheegay inay aaminsan yihiin fikirka gaaleysiinta. Wasiirka ayaa sheegay in kooxda ay deegaanada ...

Read More »

Dhaqaatiir Cuban ah oo laga afduubtay Kenya

Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dahqaatiirtan. Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa ...

Read More »

15 sano jir u soontay si uu dalkeeda nabad u noqdo

Gabar da’yar oo u dhalatay dalka Liibiya ayaa waxa ay bilowday olole ay ku rajo weyn tahay in nabad lagu gaarsiiyo guud ahaan dalka. Sajeeda Shariif oo 15 sano jir ah, ayaa waxa ay bilowday inay todobaadkiiba mar soonto waxa ayna rajaynaysaa in ficilka ay sameynayso uu farriin u diri doono kuwa awoodda haya. Dadaalkeeda ah inay todobaadkiiba mar u ...

Read More »

Madax Dhaqameed Kulan Isla Xisaabtan Ah La Qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi

11 April 2019  Hargeysa (warmaal news)- Wefti Madax-dhaqameed ka soo kicitimay Bariga Sanaag oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaana soo dhaweynta weftiga ka qayb qaadanayey Wasiirro,Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo xubno kale oo ka tirsan Xuukuumadda Madaxeyne Biixi.   Ujeedadooda ayaa sidoo kale lagu sheegay isla xisaabtan iyo dadaallo bulshadani qaybtooda kaga ahaanayso ...

Read More »

Sudan: Al-Bashiir ka dib maxaa xigi kara?

Taliska Milatariga Suudaan ayaa maanta shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir Wasiirka gaashaan dhigga ee Sudan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay. Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa’id ku ...

Read More »

Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo magacaabay Suudaan iyo halka uu ku dambeeyo Al-Bashiir

April 11, 2019 Khartoum (warmaal news) – Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayay u badan tahay in uu xilka ka degay, islamarkaana Ciidanka Milatariga Suudaan ay la wareegeen Awoodda dalka ayna doonayaan in ay dejiyaan dadka Shacabka. Shirkii deg degaa ee ay yeesheen ayaa lagu shaaciyay in General Ahmen Awad Ibn Auf si rasmi ah uu ula wareegay Hoggaaminta tallada ...

Read More »

Boosaaso: Qarax Miino oo ay Askari ku Dhaawacantay

Qarax miino oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa dhaawacay tiro askar ah, iyada oo dhaawaca qaarkii uu culus yahay. Askarta ayaa la weeraray iyaga oo gaari saaran. Warar ka aanu helayno aya sheegaya in miinda   ladhigay  cidhifka wadada wixii weerarka kasoo kurdha  kala soco warmaal news

Read More »