Xulashada

BBC-da Oo Waraysatay Nin Maayarka Gabiley Iska Dhigay

BBC-da Oo Waraysatay Nin Maayarka Gabiley Iska Dhigay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa barmaamijkeedii subaxnimo ku waraysatay nin isaga dhigay maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi. Idaacadda oo ka warramaysay khilaaf u dhexeeya qaar ka mid ah xildhibaannada Gabiley iyo maayarka ayaa marka hore waraysatay xildhibaan aanay magaciisa sheegin oo maayarka ku eedeeyay in uu iibiyay hanta Qaran, ...

Read More »

Wadanka Pakistan Oo Wax Ka Badal Ku Samaynaya Nidaamka Waxbarashada

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in dowladda iyo Golaha Culumada Diinta ee dalkaasi ay ku raaceen in isbeddel lagu sameeyo dugsiyada iyo xarumaha lagu barto diinta Islamka, si ay ula jaan qaadaan waxbarashada casriga ah, loona xakameeyo hadalada naceybka ah iyo fikirada xag jirka. Hadalkan ayaa ka soo yeeraray dowladda ka hor booqasho Ra’isul Wasaare Imran Khan uu ku imaanayo magaaladan ...

Read More »

Farmaajo oo dalab xasaasi ah hordhigay QM iyo UK

Muqdisho (warmaal news) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo danjiraha UK u fadhiya magaalada Muqdisho Ben Fender. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira xaaladda guud ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa James ...

Read More »

Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay

Hargeysa Stadium:Maayar Soltelko Oo Lagu Foodhyay Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa waji gabax kala kulmay dadweyne u badnaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo ka soo qayb galay bandhig faneed xukuumadu dabada ka riixaysay oo fanaanka BK ku qabtay garoonka Hargeysa Stadium. Maayarka Hargeysa oo uu wehelinayo badhasaabka gobolka Maroodijeex oo dhaliilo badani dul hoganayaan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ...

Read More »

Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

London(warmaal news)- Wargeys ka soo baxa London oo la yidhaahdo KCW-Today ayaa Warbixin uu maanta daabacay ku sheegay  in wararka waaweyn ee bishan July saameynta yeeshay  ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka sameysay dedaalka ay ugu jirto  aqoonsi raadinta. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixintaas ku saabsanayd Somaliland, waxaanay  u qornayd sidan:-“Wasaaradda ...

Read More »

Ciyaartooy Caan Ah Oo Hadh Cad Rasaas Lala Dhacay

Ciyaartoy hore oo dheeli jiray kubadda cagta una dhashay dalka Koonfur Afrika,Mark Batchelor ayaa lagu toogtay meel u dhaw gurigiisa oo ku yaalla magaalada Johannesburg, sida ay sheegeen booliska dalkaas. “Waxaa lagu furay rasaas,waxaa laga toogtay daaqadda, goobtii ayuu ku geeriyooday” waxaa sidaas yiri Col Lungelo Dlamini oo ah afahayeenka booliska xilli uu la hadlayay warbaahin kasoo baxda dalkaas. Wuxuu ...

Read More »

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Cambaareeyey Weerar Siyaasadeed Iyo Mid Dhaqaale Oo Ay Somaliya Ku Eedeyeen Inay Ku Soo Qaadey

Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay ...

Read More »

Wadan Carbeed Oo Ku Dhawaaqay In Haweenkiisa Loo Ogolaaday Inay Guursadaan Raga Aan Muslimka Ahayn

Wadan Carbeed Oo Ku Dhawaaqay In Haweenkiisa Loo Ogolaaday Inay Guursadaan Raga Aan Muslimka Ahayn Dowladda Tunisiya ayaa baddashay xeerka islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn. Haweeney afhayeenad ah oo u hadashay madaxweynaha dalkaas Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday arrintan waxayna dumarka ugu hambalyeysay helitaanka “xorriyadda ku saabsan in qof walba ...

Read More »

Sucuudiga Oo Ogolaaday In La Dajiyo Xoolihii Ku Xayirnaa Markabka Iyo Shuruudo Uu Ku Xidhay Kuwa Dambe.

Hargeysa(warmaal news):-Dawlada Sucuudiga ayaa ogolaatay in la dajiyo xoolo gaadhaya 20,000 oo neef oo saarnaa markab ka qaaday dekeda magaalada Berbera. Dawlada Sucuudiga oo hore u diiday in xoolahaasi la dajiyo ka dib markii ay ka wayday warqad caafimaad oo ka socota dawlada Soomaaliya ayaa go’aankan gaadhay markii ay kulamo isdaba joog ah wada qaateen ganacsatada xoolaha.   Dawlada Sucuudiga ...

Read More »

Warbaahinta Kenya Oo Soo Bandhigtay Waraaqo Xildhibaano Ka Tirsan UK Ay Ku Dalbadeen In La Aqoonsado Somaliland

London (HWN)- Qaar ka mid ah Saxaafadda Kenya ayaa ku warrantay in uu sii kordhayo culayska Dawladda Ingiriiska lagu saarayo inay dal madax-bannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan uu hore u xukumi jiray Ingiriisku. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Warsidaha Media maxnetwork oo laga leeyahay Kenya isla markaana ah Hay’adda warbaahineed ee leh Telefishanka Kenya ...

Read More »