Xulashada

Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo magacaabay Suudaan iyo halka uu ku dambeeyo Al-Bashiir

April 11, 2019 Khartoum (warmaal news) – Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayay u badan tahay in uu xilka ka degay, islamarkaana Ciidanka Milatariga Suudaan ay la wareegeen Awoodda dalka ayna doonayaan in ay dejiyaan dadka Shacabka. Shirkii deg degaa ee ay yeesheen ayaa lagu shaaciyay in General Ahmen Awad Ibn Auf si rasmi ah uu ula wareegay Hoggaaminta tallada ...

Read More »

Maxaa sababay nidaam-darrada ka jirta dalka Liibiya?

Dalka Liibiya ayay xasarad ka aloosnayd tan iyo markii ciidamada ay taageerto gaashaanbuurta Nato ay xukunka ka tureen madaxweynaha muddada dheer dalkaasi ka talinayay ee Mucammar Al-Qadaafi, Oktoobar sanadkii 2011. Dalkani saliidda qaniga ku ah, oo marin muhiim ah u ah kumannaan muhaajiriin ah oo u safraya dhinaca Yurub, ayaa xilliyadii hore ayaa waddanka ugu wanaagsan dhanka nolosha ee qaaradda ...

Read More »

Khalifa Haftar: Janaraal ka badbaaday Qadaafi hadana loo maara la’yahay

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga deyrinayay xaaladda dalka Libya, kadib markii Janaraal Haftar iyo ciidammadiisa ay ku duuleen xarunta dowladda ay taageerto Qaramada midoobay ee Tripoli. Waxaa gebi ahaan ba xiran garoonka diyaaradaha ee magaaalada Tripoli ee dalka Libya, kadib markii duqeyn dhanka circa ah lala eegtay. Garoonka oo ah midka keliya ee ka shaqeya dalkaasi ayaa weerarka lagu qaaday ...

Read More »

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidan Uu Samaynayo Urur Goboleedka IGAD.

9 april 2019  Hargaysa (warmaal news) Xukuumadda somaliland ayaa soo dhaweysay aasaaska guddi farsamo oo ka shaqaysa ciidan loo ameeyo arimaha badda cas iyo gacanka cadan, kaas oo uu dhawaan shaciyay urur goboleedka IGAD, sida lagu sheegay ar kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda somaliland. Gudida ayaa loola danleeyahay si loo ilaaliyo danaha amman iyo dhaqaale ee gobolka, iyadoo war saxaafadeedka ...

Read More »

Xukumadda Oo Xeer Nidaamiye U Samaynaysa Qalabka Ay Kula Soconayso Telefoonnada

9 april 2019   Hargeysa (warmaal news) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi ,ayaa sheegay inay xeer nidaamiye u sameeyeen qalabka lagula soconayo dhaq-dhaqaaq isgaadhsiinta. Waxa uu sheegay inay si sahlan u helayaan telefoonnada bulshadu isu dirayso iyo farriimaha ay isugu dirayaan telefoonnadooda. Qalabkan xukuumadda Somaliland dhawaan soo iibsatay ayaa lagula soconaya shirkadaha Isgaadhsiinta siiba dhanka cashuuraha iyada oo ...

Read More »

Muuse Suudi: Ma siyaasi sharciga ogol baa mise hogaamiye kooxeed soo rogaal celiyay?

Xildhibaan katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore – Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmahan noqday mid aad loo hadal hayo. Arrintan ayaa timid kadib markii uu ku gacansayray hadal ka soo yeereay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho, Injineer Cabdiraxman Cumar Yarisow oo sheegay in dadka degan dhulkii hore ee ciidammada badda ee Soomaaliya ay baneeyaan. Guddoomiyaha ...

Read More »

Weedhsame Oo Ka Hadlay Khilaafka Jabuuti Iyo Axmed Geelle

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumada Jabuuti ku doonayso in loogu gacan galiyo Ganacsade Axmed Geelle. Abwaan Weedhsame ayaa bulshada xasuusiyay dhacdo fool-xun oo sanadkii 2014kii ay xukuumadii Axmed Siilaanyo dalka Jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo aan weli geeri iyo nolol midna ...

Read More »

Layaab: Qasa oo laga daadgureeyay xayawaankii, dadkiina ku go’doonsanyihiin

Illaa 40 xayawaan oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa laga daadgureeyay kayn xayawaan oo ku taala magaalada Qasa, waxaana loo raray dalka Urdun. Xayawaankan ayaa isugu jira libaaxyo, daanyeero, daa’uus, kashiito iyo noocyo kale. Ka hor intii aanan loo qaadin safarka 300 km ah ayaa lagu muday irmad suuxinta ah, waxaana lasii dhexmarsiiyay dalka Israa’iil oo ah sababta koowaad ...

Read More »

Trump Oo Lumiyay Xubintii Ugu Muhiimsanayd Golihiisa Wasiirada

Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha muranka badan dhaliyay ee gidaarka ayaa xilkii iska casishay.   Haweenayday ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka shaqaynaysay wasaaraddan. Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweenayday uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan. Waxa ay haweenaydan ...

Read More »